Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland

Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland

Share

Page-ka Rasmiga ah ee madaxweyne kuxigenka 1-aad ee dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

17/02/2026

🌙 Ramadaan Kariim 1447H / 2026 🌙

Waxaan hambalyo diirran u dirayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubaland meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibaddaba, munaasabadda curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Bisha Ramadaan waa bil huwan naxariis, dembi-dhaaf iyo isu soo dhowaansho ruuxi ah. Waxaan ku boorrinayaa shacabka Jubaland inay xoojiyaan garab istaagga qoysaska nugul iyo dadka ay duruufaha nololeed saameeyeen, gaar ahaan kuwa ay abaaruhu saameeyeen.

Waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidammadeenna geesiyaasha ah iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo har iyo habeen u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka. Waxaan ku ammaanayaa dadaalka muuqda ee ay ku bixiyeen sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Ugu dambayn, waxaan bulshada Jubaland ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud, xoojinta amniga, midnimada iyo wadajirka.

🤲 Ramadaan Kariim dhammaantiin.

Photos from Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland's post 15/02/2026

Madaxweyne Kuxigenka Dowlada Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Adan, ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Dowladda Jubaland İyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland.

Kulanka waxaa Madaxwaynaha ku wehliyay Xildhibaano katirsan Baarlamanka Dowladda Jubaland iyo Gudoomiye Kuxigeenka Aminga iyo siyaasadda Dagmada Baladxaawo.

Wasiirrada ayaa safar shaqo ku yimid Degmooyinka gobolka Gedo si' ay ugu kuurgalaan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada hoos yimaada gobolka Gedo, isla markaana ay u kormeeraan mashaariicda horumarineed ee ka socda guud ahan Gobolka.

Madaxweyne Kuxigenka Dowlada Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Adan, ayaa aad ugu deyriyay xaladda abaareed ee maanta kataagan deegaanada dowladda Jubaland iyo guud ahaan Dalka, wuxuuna ugu baaqay dhammaan mas'uuliyiinta, ganacsatada Soomaaliyeed, hay'adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah in loo midoobo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya duruufaha nololeed ee ay sababtay abaarta dalka ku dhufatay, si looga hortago saamaynta Beni-aadannimo ee ka dhalankarta.

Kulanka madaxweynaha kadib wafdiga wasiirada ayaa usii gudbay Degmada Doolow halkaa oo ay Kula kulmi donaan Gudoonka Degmada iyo Guddiga abaraha ee degmada Doolow.

Want your business to be the top-listed Government Service in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Farjano/kismayo/jubbada Hoose
Kismayo