04/06/2026
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada, kaas oo lagaga hadlay arrimaha amniga, horumarinta kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah, ilaalinta deegaanka si looga hortago masiibooyinka ka dhalan kara isbeddelka cimilada, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.
01/06/2026
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku maray qeybo kamid ah magaalada Kismaayo, isagoo u kuurgalay xaaladda guud ee magaalada.
Madaxweynaha ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ka dhageystay aragtiyo iyo talooyin kala duwan, wuxuuna ku bogaadiyay shacabka doorka ay ka qaadanayaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Jubaland.
29/05/2026
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeeray Rugta Caafimaadka ee deegaanka Jannaa Cabdalle, isaga oo ballan qaaday in la horumarin doono lana xoojin doono adeegyada caafimaad ee ay bulshada deegaanka ka hesho rugtaasi.
29/05/2026
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maalinkii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ugu tagay Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ka howlgala aagga deegaanka Jannaa Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey saraakiisha iyo askarta Ciidanka Daraawiishta Jubaland heeganka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca iyo xoreynta deegaannada Jubaland, isaga oo ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo sidii shacabka reer Jubaland ay ugu noolaan lahaayeen nabad iyo xasillooni.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-gallo lagu xoreynayo deegaannada Jubaland ee ay weli ku sugan yihiin Khawaariijtu, isaga oo ciidamada ku dhiirrigeliyey inay u diyaar garoobaan waajibaadkaas qaran ee horyaalla, si looga miro dhaliyo himilooyinka shacabka Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka xasillooni, amni iyo nabad waarta.
Waxaa Madaxweynaha kormeerkan ku wehelinayay Wasiirka Amniga Mudane Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdinaasir Seeraar Maax, Wasiir ku xigeenka Amniga Mudane Aadan Axmed Xaaji iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabadsugida Mudane Maxamed Axmed Sabriye.
DHAMMAAD
26/05/2026
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed cafis u fidiyay 31 maxbuus oo u xirnaa danbiyo fudud, iyadoo Madaxweynuhu qaar kamid ah maxaabiista oo loo haystay lacago lagu lahaa uu ka bixiyay daymahaasi, si ay munaasabadda Ciidda ula qeybsadaan eheladooda iyo bulshada.
14/05/2026
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada, oo lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin arrimaha Amniga, xaaladda guud ee Siyaasadda Dalka, iyo horumarinta adeegyada bulshada.