26/05/2026
๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐๐๐๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ-๐๐๐ก๐ฑ๐,
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐
Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dowladda Waqooyi Bari Mudan๐ Cali Cismaan Warsame ,, ayaa Hambalyo diirran u diray ๐๐ฎ๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐๐๐๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ-๐๐๐ก๐ฑ๐
Wasiirku wuxuu Alle SWT ka baryay inuu ka aqbalo cibaadadii wanaagsanaa ee aynu soo gudanay Maalmihii khayr iyo ajarka badan lahaa. Nabad iyo Barwaaqo Alle Weyn ha innagu gaadhsiyo sannadkan danbe
26/05/2026
Dhamaan shaqaale weynaha Wasaaraddu waxa ay bulshada islaamka ah, gaar ahaan bulshaweynta waqooyi bari la wadaageen faraxdda ciidka , Nabad iyo Midnimo Alle Weyn ha inagu gaadhsiyo ciidka ciidkiisa
______________
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee WQHIC Waqooyi Bari.
Official Email: [email protected]
Official Website: https://mopdic.wbs.so
page: https://www.facebook.com/share/1BujCQZQ78/
26/05/2026
๐ค๐ผ๐ฟ๐๐ต๐ฒ๐๐ป๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐๐ธ๐-๐ฑ๐๐๐ถ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ท๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ต. ( ๐๐ผ๐ถ๐ป๐ ๐ฃ๐น๐ฎ๐ป๐ป๐ถ๐ป๐ด & ๐๐ผ๐ผ๐ฟ๐ฑ๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ถ๐ผ๐ป )
Laascaanood: 26/May/2026:- Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta DFS Mudane Maxamed Weli oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda qorshaynta Waqooyi Bari Mudane Mohamed Apdurahmaan Ruush ayaa Shalay agaasimayaasha & hawl-wadeenadda wasaaradda qorshaynta waqooyi bari u furey tababarka Qorshaynta iyo iskuduwidda Wadajirka ah ( Joint Planning & Coordination).
Tababarkani wuxuu diiradda saaray xoojinta awoodda shaqaalaha ee dhinacyada qorshaynta istaraatiijiga ah, isku-duwidda hawlaha waaxyaha kala duwan, la jaanqaadidda mudnaanta horumarineed ee dowladda, iyo sidii loo abuuri lahaa wada-shaqeyn wax-ku-ool ah oo u dhexeysa hay'adaha dowladda iyo daneeyayaasha kale.
Sidoo kale, tababarku wuxuu gacan ka geystay kor u qaadista fahamka hababka qorshaynta casriga ah, isku xirka qorshayaasha iyo miisaaniyadda, la socodka iyo qiimeynta waxqabadka, iyo horumarinta habraacyada wadajirka ah ee lagu gaari karo yoolalka horumarineed.
Ugu dambeyn agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo xiray tababarka, isagoo uga mahadceliyay ka hawlwadeenada wasaaradda dadaalkooda, ka go'naanshahooda shaqada, iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta nidaamka qorshaynta iyo isku-duwidda ee Wasaaradda Qorshaynta Waqooyi Bari.
-DHAMMAAD-
____________________________________________________________
Offiical X account: https://x.com/mopdic_ne_so
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492
25/05/2026
Laascaanood: 25/May/2026:- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Qorshaynta,horumarinta yo Iskaashiga calaamiga ah Waqooyi Bari Mudane Osman Aden Hussen ayaa wasaaradda kusoo dhaweeyey weftiga ka socday Wasaaradda Qorshaynta DFS uu hogaaminayay Agaasimaha Guud Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax. Agaasimaha ayaa kormeer shaqo ku maray xafiisyadda wasaaradda halkaas oo warbixin kaga dhageystay Agaasimaha Guud iyo hawl-wadeenadda wasaaradda qorshaynta waqooyi bari.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta DFS ayaa hall-ka wasaaradda ka jeediyey hadalo xog waran, mahadcelin ah, isagoo qiray sida ay u diyaarsantahay wasaaradda qorshaynta waqooyi bari sheegaynna in wasaaradda qorshaynta waqooyi bari ay kaga horeyso nidaamka dhijitaalka ee adeegyadda wasaaradda lagu bixiyo guud ahaan wasaaraddaha kale qorshaynta ee dawlad-goboleedyadda dalka.
Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Waqooyi Bari ayaa ka warbixiyey guulaha ay Dawladdu gaadhay, hiigsiyadeeda u qorshaysan, caqabadaha jira ee loo baahan yahay in wax laga qabto, sidoo kale agaasimaha ayaa uga mahadnaqay agaasimaha guud wasaaradda qorshaynta dowladda fadaraalka soomaaliya wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin wasaaradda qorshaynta dowladda waqooyi bari, iyo sida uu mudanta safarkiisi koobada u siyeey Deegaanka Waqooyi Bari
-DHAMMAAD-
________________________________________________
Offiical X account: https://x.com/mopdic_ne_so
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492
24/05/2026
MAALINKII 2aad : AQOON IS-WAYDAARSIGA QORSHAHA IS-BEDELKA QARANKA (NTP) EE DOWLAD-GOBOLEEDKA WAQOOYI BARI
Laascaanood: 24/May/2026:- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta & Iskaashiga Caalamiga Dowladda Waqooyi Bari Mudane Osman Aden Hussen ayaa maanta soo xidhay Shirka Aqoon iswaydaarsiga isku dubbaridka Qorshaha Is-bedelka Qaranka ee Dowladda Waqooyi Bari.
Shirkaa oo ay kasoo qayb galeen maalintiisii labaad agaasimaha waaxda qorshaynta Qaranka , agaasimayaasha guud ee wasaraadaha waqooyi bari, agaasimayaasha waaxaha qorshaynta Dowladda Waqooyi Bari iyo Hawl-Wadeenadda Farsamo ee Labada Wasaaradood ee Qorshaynta Heer Federaal iyo Heer Maamul
Shirkan intuu soconayay labadaa maalmood ayaa lagu lafa guray tiirarka qorshaha Qaranka, samynta qorshayaasha sannadlaha ah , kuwa shanta sano iyo waafajinta mudnaanta qorshayaasha ee Dawladda waqooyi bari
Sidoo kale labadaa maalmood waxaa lasoo bandhigay qorshayaasha hortebinta u leh dawladda waqooyi bari kuwaas oo laga soo dheegtay qorshayaasha sannadlaha ah ee wasaaradaha u degsan isla markaana waafaqsan Qorshaha isbeddelka qaranka ( NTP).
-DHAMMAAD-
____________________________________________________________
Offiical X account: https://x.com/mopdic_ne_so
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492
23/05/2026
DAAHFURKA AQOON IS-WAYDAARSIGA QORSHAHA IS-BEDELKA QARANKA (NTP) EE DOWLAD-GOBOLEEDKA WAQOOYI BARI
Laascaanood: 23/May/2026:- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta & Iskaashiga Caalamiga Dowladda Waqooyi Bari Mudane Axmed Aadan Siciid ( Ayuub) ayaa daahfuray isku dubbarid Qorshaha Is-bedelka Qaranka ee Dowladda Waqooyi Bari.
Shirkaa oo ay kasoo qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta DFS Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Waqooyi Bari Mudane Cusmaan Aadan Xuseen, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Wasaaradda Qorsheynta DFS Mudane Maxamed Weli, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Dowladda Waqooyi Bari, Hanti-Dhowraha Guud, Agaasime Waaxeedyadda Wasaaraddaha iyo Hawl-Wadeenadda Farsamo ee Labada Wasaaradood ee Qorshaynta Heer Federaal iyo Heer Maamul ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah.
Shirkan intuu soconayo waxaa lagu falaqayn doonaa qorshaha isbedelka qaranka iyo mudnaanta qorshayaasha ee Dawladda waqooyi bari
Ugu dambeyn agaasimaha waaxda qorsheynta wasaaradda qorsheynta DFS mudane Maxamed Weli ayaa soo xidhay kulanka.
-DHAMMAAD-
____________________________________________________________
Offiical X account: https://x.com/mopdic_ne_so
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492
21/05/2026
WAFTI HEER FEDERAAL AH OO UU HOGAAMINAYO AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA QORSHAYNTA DFS OO SOO GAADHAY LAASCAANOOD.
Waxaa magaalada Laascaanood, ee caasimadda maamul-goboleedka Waqooyibari soo gaadhay wefti heer Federaal ah oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax, (Cabdifataax Hiirad). Oo uu wehelinayo agaasimaha Waaxda qorshaynta ee Wasaaradda qorshaynta DFS Mudane Maxamed Weli sidoo kale Weftigan ayaa waxaa ka mid ah, masuul ka tirsan midowga Yurub, iyo masuul ka socda xafiiska mashaariicda ee Wasaaradda Qorshaynta.
Weftigan oo duhurnimadii maanta kasoo degay garoonka diyaaraddaha ee Laascaanood, ayaa waxaa soo dhaweeyay Agaasimaha Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Osman Aden Hussen Sidoo kale, waxaa soo dhawaynta masuuuliyiintan qayb ka ahaa Agaasimeyaal guud, iyo Agaasime-waaxeedyo ka kala socda Wasaaraddaha kala duwan ee maamulka Waqooyibari.
Socdaaldka weftigan ayaa daaran Aqoon-is-weydaarsi Isku-dubaridka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari. ( National Transformation Plan (NTP) Coordination Workshop for Northeastern state. kormeer iyo xoojinta isla-xisaabtanka, la socodka qorshaha horumarka, iyo tayaynta nidaamyada xogta iyo warbixinnada dawladda.