01/05/2026
Hambalyo Maalinta Shaqaalaha Adduunka
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda dadaalkooda iyo doorkooda muhiimka ah ee horumarinta dalka.
Shaqadiinu waa tiirka horumarka iyo badbaadada khayraadkeenna.
18/04/2026
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐
๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐ (๐
๐๐๐).
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Waqooyi Bari, Mudane Ismail Sh. Salah Ahmed, ayaa ka qayb galay Shirka 7aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumaysiga Soomaaliyeed (FMDC), oo si guul leh uga qabsoomay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 16 ilaa 18 Abriil 2026.
Shirka waxaa ka soo qayb galay wasiirrada kalluumaysiga ee dowlad-goboleedyada, xubno ka tirsan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil sare, bah-wadaagta horumarinta, iyo khubaro farsamo, si loo qiimeeyo horumarka, loogana wada hadlo caqabadaha, isla markaana loo dejiyo mudnaanta istiraatiijiga ah ee horumarinta waarta ee waaxda kalluumaysiga.
Arrimaha muhiimka ah ee laga dooday:
1. Xoojinta maamulka iyo wada-shaqeynta heer federaal, dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir
2. La dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU)
3. Dhiirrigelinta maalgashiga iyo hagaajinta jawiga ganacsiga
4. Horumarinta kaabayaasha kalluumaysiga sida dekedaha iyo xarumaha qaboojinta/kaydinta kalluunka
5. Dhismaha nidaam xog-ururin qaran iyo xoojinta MCS (Monitoring, Control & Surveillance)
A) Aqoonsiga awoodda waaxda kalluumaysiga
Goluhu wuxuu si cad u aqoonsaday in kalluumaysigu yahay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama dalku leeyahay xeeb dheer oo hodan ku ah kheyraad badeed aan weli si buuxda looga faaโiidaysan.
Sidoo kale, waxaa la adkeeyay in kheyraadka badda uu yahay hanti qaran oo istiraatiiji ah, loona baahan yahay dadaal qaran oo mideysan si loo beddelo faaโiido dhaqaale oo muuqata.
Dhiirrigelinta maalgashiga iyo canshuurdhaafka
Goluhu wuxuu isku raacay in la abuuro jawi maalgashi oo hufan oo taageera kobaca waaxda kalluumaysiga, iyadoo la hirgelinayo canshuurdhaaf qaran oo ku wajahan qalabka muhiimka ah ee maalgashiga kalluumaysiga, sida:
โข Qalabka warshadaynta kalluunka
โข Qalabka dhismaha iyo dayactirka doomaha
โข Qalabka tamarta qorraxda
โข Qalabka qabashada kalluunka
โข Qalabka qaboojinta, kaydinta iyo gaadiidka silsiladda qabow
C) Dhiirrigelinta iyo suuq-geynta waaxda
Goluhu wuxuu ansixiyay qabashada Toddobaadka Kalluumaysiga Soomaaliya (22 Juun 2026), oo noqon doona madal qaran oo lagu soo bandhigo fursadaha maalgashi, lagu xoojiyo xiriirka ganacsi, laguna dhiirrigeliyo hal-abuurka iyo tiknoolajiyadda.
Sidoo kale, waxaa la isla qaatay:
โข Xoojinta dekedaha kalluumaysiga iyo xarumaha qaboojinta
โข Ballaadhinta tababarrada iyo horumarinta xirfadaha kalluumaysiga
D) Xoojinta nidaamyada maareynta xogta
Goluhu wuxuu adkeeyay muhiimadda xog sax ah oo lagu maamulo waaxda kalluumaysiga, waxaana la isku raacay:
โข Dardargelinta nidaamka FIMS/FMIs
โข Dhismaha nidaam xog ururin qaran oo mideysan
โข Xoojinta tababarrada iyo kormeerka joogtada ah
E) La-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU)
Goluhu wuxuu xaqiijiyay in kalluumaysiga sharci-darrada ah uu sababo khasaaro dhaqaale oo weyn.
Sidaas darteed waxaa la isku raacay:
โข Xoojinta MCS
โข Kordhinta ilaalinta badda
โข Xoojinta wada-shaqeynta heer federaal, dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir
Gunaanad
Shirka 7aad ee FMDC wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo waaxda kalluumaysiga Soomaaliya, si ay u noqoto mid casri ah, tartan leh, isla markaana waara. Goluhu wuxuu mar kale xaqiijiyay goโaankiisa ah in si wadajir ah looga faaโiideysto kheyraadka badda dalka.
DHAMMAAD
16/04/2026
Muqdisho, 16 Apri, 2026:- Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa ka qayb gashay Shirka 7-aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumaysiga Dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, islamarkaana socon doona muddo laba maalmood ah.
Shirka ayaa waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Diirshe, oo warbixin guud ka bixiyay howlaha Wasaaradda, mashaariicda socda, heshiisyada la galay, iyo horumarka laga sameeyay hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda.
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Waqooyi Bari waxaa shirka ku matalay Ku-simaha Agaasimaha Guud, Mudane Mohamoud Ali Mire, oo door muuqda ka qaatay doodaha iyo falanqaynta arrimaha la xiriira horumarinta kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimayaal Guud oo ka socday Wasaaradaha Kalluumaysiga ee Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Intii uu shirka socday, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay qorshayaasha Wasaaradda, gaar ahaan mashruuca Badmaal ee 2026 iyo mashruuca Xog-ururinta FIMS oo ay Wasaaradda iska kaashanayaan Hayโadda FAO, iyadoo la isla eegay heerka ay marayaan iyo sidii loo dardar gelin lahaa hirgelintooda.
Ugu dambeyn, ka qeybgalayaasha shirka ayaa is-weydaarsaday aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku aaddan horumarinta sector-ka kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, si si hufan looga faaโiideysto kheyraadka badda ee dalka.
______________
-DHAMMAAD-
19/03/2026
๐ Eid Mubarak
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, Ismail Sh. Salah Ahmed, waxa uu umada muslimiinta ah gaar ahaan shacabwaynaha woqooyi bari ugu hambalyaynaya munaasibada ciidul fidriga.
Waxaan alle waydiisanaynaa inuu inaka aqbalo acmasha wanaagsan an so samaynay bishii Ramadan.
_DHAMAAD_
15/02/2026
Muqdisho โ Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Waqooyi Bari, Mudane Ismail Sh. Salah, ayaa booqasho ku tegey Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somalia,Mudane Daud Aweys. Booqashada waxaa sidoo kale ku wehelinayay Wasiirka Wasaradda Warfaafinta Waqooyi Bari.
08/02/2026
Muqdisho : 8/Feb/2026:- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Ismaciil sh. Saalax oo uu weheliyo Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Cali Warsame Cismaan , ayaa kulan la yeeshay hoggaanka Hay'adda (FAO) ee Soomaaliya.
Kulankaas oo ay kasoo qayb galeen madaxa (FAO) oo ugu horeeyo Etienne Peterschmitt, madaxa kalluumeysiga (FAO), Papa Gora Ndiaye, iyo isku-duwaha Barnaamijyada Cabdi Aadan.
Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kalluumeysiga, beeraha, horumarinta xoolaha, iyo barnaamijka (SWALIM), iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda maareynta kheyraadka si waara, la qabsiga isbeddelka cimilada, iyo horumarinta nidaamyada xogta casriga ah.
Qodobadan ayaa lagu tilmaamay kuwo laf-dhabar u ah taageeridda nolol-maalmeedka bulshada iyo kobaca dhaqaalaha guud ahaan dowlad-goboleedka waqooyi bari.
________________
-DHAMMAAD-
Official Email: [email protected]
page: https://www.facebook.com/profile.php?id=61583030426352
07/02/2026
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Ismail Sh. Salah Ahmed, ayaa kulan rasmi ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo uu wehliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cali Ifiye.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, gaar ahaan horumarinta kalluumeysiga iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Ismail Sh. Salah Ahmed, ayaa kulanka ka jeediyey hadal muhiim ah oo ku saabsan fursadaha iskaashi ee jira, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wax-ku-ool ah looga faaโiideysto mashaariicda horumarineed ee Wasaaradda Federaalka, si loo hirgeliyo barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu horumarinayo kalluumeysiga iyo nolosha bulshada ku tiirsan.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari oo Kulanka Qayb ka ahaa ayaa isna soo bandhigay sida qorsheyn mideysan iyo isku-dubarid sax ah ay door muhiim ah uga qaadan karaan hirgelinta mashaariic horumarineed oo waara.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Diirshe.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa bogaadiyey dadaallada Wasaaradda Federaalka, isaga oo adkeeyey sida ay Maamulka Waqooyi Bari uga goโan tahay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac, si loo gaaro horumar waara, kobac dhaqaale, iyo ka faaโiideysi hufan oo khayraadka badda ah.
DHAMAAD.
07/02/2026
Muqdisho | 4 Febraayo 2026
Wasiirka Kalluumeysiga Dowladda Waqooyi Bari Mudane Ismaaciil Axmed, Wasiirka Qorsheynta Mudane Cali Warsame, iyo Xildhibaan Cabdiqani Maxamuud Dhaanto ayaa maanta kulan rasmi ah kula yeeshay xarunta dhexe ee Hayโadda TIKA magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa xooga lagu saaray arrimaha la xiriira horumarinta baahiyaha aasaasiga ah, waxaa si gaar ah looga wada hadlay dardar gelinta iyo abuurida mashaariic horumarineed, kor uqaadida ilaha dhaqaalaha iyadoo la xoojinayo doorka kalluumeystada iyo dhammeystirka dayactirka xaruntii Daraawiishta ee Taleex, taas oo door muhiim ah ka qaadan doonta kobcinta dalxiiska, ilaalinta dhaxalka taariikhiga ah.
Ugu dambeyn, dhinacyadu waxay isla qaateen in la dardargeliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga joogtada ah ee lagu horumarinayo mashaariicda taariikhiga ah iyo horumarinta guud ee deegaannada Waqooyi Bari.
โโ- Dhammaad โโ-