03/06/2026
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, iyo kooxda Ministry Delivery Unit (MDU), isagoo ka dhageystay warbixin la xiriirta horumarka laga sameeyay fulinta qorshayaasha iyo mudnaanta Wasaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray heerka fulinta Commitment Sheet-ka Wasaaradda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo saldhig u ah hirgelinta qorshaha qaranka ee la xiriira horumarinta iyo maamulka kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Kooxda MDU-da ayaa Wasiirka u soo bandhigtay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha laga gaaray qorshayaashii Quarter One (Q1), kuwaas oo si guul leh loo dhammeystiray, iyadoo sidoo kale la xusay in howlaha Quarter Two (Q2) ay si habsami leh u socdaan.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta XFS, Mudane Midane Daahir Shire Maxamed, ayaa bogaadiyay dadaallada maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradda, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta howlaha hortabinta leh, xoojinta isla xisaabtanka, iyo joogteynta hufnaanta shaqo.
Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xaqiijinayo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee qeybta batroolka iyo kheyraadka macdanta, si ay uga qeyb qaataan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka waara ee dalka.
01/06/2026
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Qiimeynta Baahiyaha ee la xiriira Ruqsad-bixinta Batroolka Soomaaliya (Somalia Licensing Round Needs Assessment Workshop).
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiwahaab Cabdi Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Soomaaliyeed (Somalia Revenue Authority) Mudane Feysal Axmed Xasan, iyo khubaro farsamo oo ka kala socday Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (SPA), iyo Hay’adda Dakhliga Soomaaliyeed.
Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga Soomaaliya ee wareegga ruqsad-bixinta shidaalka, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta awoodaha hay’adaha dowladda, horumarinta nidaamyada farsamo, sharciyeed iyo maaliyadeed, iyo waafajinta habraacyada dalka heerarka iyo dhaqamada ugu wanaagsan ee caalamiga ah.
Sidoo kale, aqoon-is-weydaarsigan waxaa qabanqaabinayay hay’adda CPCS iyadoo taageero farsamo iyo maalgelin ay ka helaysay Dowladda Canada.
Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ayaa sii laba jibaaraysa dadaallada lagu xaqiijinayo maamul hufan, kor u qaadidda kalsoonida maalgashadayaasha, iyo in kheyraadka dabiiciga ah ee dalka looga faa’iideeyo si waara oo wax ku ool ah.
31/05/2026
Muqdisho, 31 May 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad Xaashi Carabeey ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Agaasime Waaxeedyada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah horumarinta howlaha Wasaaradda iyo dardargelinta mashaariicda socda, kuwaas oo ay kamid ahaayeen:
1. Aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo furitaanka kulanka.
2. Mashruuca Licensing Round-ka iyo qorshaha tababarrada Capacity Building-ka ee la xiriira mashruuca.
3. Mashruucyada NTP-ka ku jira iyo heerarka ay marayaan.
4. Mashruuca Macdanta ee AML/CFT iyo shuruudaha looga baahan yahay shirkadaha ka shaqeeya qeybta macdanta.
Agaasimaha Guud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay isku dubbaridka shaqooyinka Wasaaradda, horumarinta tayada shaqaalaha, iyo xoojinta nidaamyada maamulka si loo gaaro adeeg hufan iyo horumar waara oo laga sameeyo waaxaha batroolka iyo kheyraadka macdanta dalka.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo dardaaran ku aaddan in la laba jibaaro dadaallada lagu horumarinayo howlaha Wasaaradda.
22/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 2aad ee Khayraadka Dabiiciga ah ee Istanbul (INRES 2026) oo lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkey.
Intii uu socday shirweynuhu, Wasiirku wuxuu kulamo miro-dhal ah la yeeshay madax iyo mas’uuliyiin ka socday dowladaha iyo shirkadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada batroolka, gaaska dabiiciga ah, iyo macdanta.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar, halkaas oo ay kaga wada hadleen horumarinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan howlaha shidaal baarista badda Soomaaliya iyo fursadaha cusub ee maalgashiga qaybta macdanta.
Wadahadallada ayaa lagu xaqiijiyey muhiimadda iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya si mas’uuliyad leh, loogana faa’iideeyo shacabka Soomaaliyeed iyo koboca dhaqaalaha dalka.
11/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada London kaga qeyb galay Shirweynaha Tamarta Afrika 2026, oo ay isugu yimaadeen madax, khubaro iyo shirkado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha tamarta iyo shidaalka.
Intii uu shirku socday, Wasiirka ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Agaasimaha Guud iyo kooxda farsamada ee shirkadda Liberty Petroleum, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray qorshayaasha shirkadda iyo tallaabooyinka xiga ee lagu bilaabayo hawlaha sahminta iyo horumarinta shidaalka Soomaaliya.
Shirkadda Liberty Petroleum ayaa dhawaan bilaabi doonta hawlaha sahminta shidaalka, iyada oo uruurin doonta xogta casriga ah ee 3D Seismic, taas oo muhiim u ah horumarinta iyo qiimeynta khayraadka shidaalka dalka.
Wasiirka ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta jawi hufan oo maalgashi-u-furan, isla markaana dhiirrigelinaya iskaashi iyo horumar waara oo lagu xaqiijinayo ka faa’iideysi mas’uuliyad leh oo khayraadka shidaalka Soomaaliya.
07/05/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta DFS Mudane Maxamed Xaashi Carabeey ayaa shir guddoomiyay shirka Agaasimayaasha Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha hortabinta u leh Wasaaradda, xoojinta wada shaqeynta, iyo kor u qaadidda waxqabadka guud ee hay’adda.
Mudane Agaasimaha Guud ayaa Agaasimayaasha ku adkeeyay in la labanlaabo dadaallada shaqo, lana dardargeliyo fulinta qorshayaasha Wasaaradda si bulshada loogu adeego si hufan oo waxtar leh.
Intii uu socday kulanka, waxaa lagu soo bandhigay warbixinta waxqabadka saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, iyo sidoo kale qorshaha shaqo ee saddexda bilood ee soo socota. Warbixinnada ayaa looga dooday waax waax, iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay waxqabadka, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha u degsan waax kasta si loo gaaro himilooyinka Wasaaradda.