Ilyas Sheikh Ahmed

Ilyas Sheikh Ahmed

Share

Member of the House of the People, Federal Parliament of Somalia.

16/06/2026

Hada ka hor, labo nin oo odayaal ah, oo Muuse iyo Maxamed la kala yiraahdo, ayaa is qabtay kadibna waxeey u gar dhiibteen nin kale oo oday ah si uu gartooda u qaado. Ninkii loo gar dhiibtay ayaa warka ku bilaabay “Sheekh Muuse iyo Maxamed”.

Intaas markii uu warka ku bilaabay ninkii dhex dhexaadiyaha ahaa ee loo gar dhiibtay ayaa ninkii Maxamed ahaa warka ku soo booday, wuxuuna yiri “mar hadiiba aad ku bilaawday warkaada “Sheekh Muuse iyo Maxamed” aniga gar iima gashid ee Muuse iyo Maxamed ayay aheeyd in aad noogu yeerto.

Taloow sheekadaan & sawirka hoose ee uu ka muuqdo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka maxaan iskugu keenay!.

11/06/2026

Caawa shiribka ugu wayn ee ka shidan Hirshabeele waa: “𝐍𝐢𝐧 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐤𝐚𝐦𝐚 𝐜𝐚𝐲𝐦𝐚𝐧𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐭𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚𝐥𝐞…𝐲𝐚𝐚”

Odayga waa loogu tufay caawa.

03/06/2026

Banaanbax mise hub la soo bax?

01/06/2026

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Waxaan uga tacsiyeeynayaa guud ahaan shacab waynaha aan walaalaha nahay ee reer Jabuuti, gaar ahaan qayska Madaxweyne Ismail Cumar Geelle geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Marwo Nazli Abdalla Mohamed Kaamil oo ku geeriyootay Caasimada Jabuuti.

Waxaan sidoo kale tacsida la wadaagayaa Wasiirka Cadaaladda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Ali Hassan Bahdon oo ay marwadu aheyd xaaskiisa.

Ilaahey ha u naxariisto, dambigeeda ha dhaafo, geerideeda kadib Allah nama fidneeyo. Aamin.

27/05/2026

Xaalka Galmudug Colaad & Nabad meel u dhaxeeysa ayuu joogaa markaan ee yaan looga sii darin!.

26/05/2026

Ciid Mubaarak!.

19/05/2026

Arsenal ma taageero lakin saaxiibo badan oo taageera Arsenal oo xaalad quus ah ka marayay koob la’aanta kooxda ee muddo 22 sano jirsatay ayaan garab istaag u muujineeynay caawa.

Hambalyo reer Arsenal!.

15/05/2026

15-kii MAY ee nasan weeysay ayaantaan waa la gaaray!.

09/05/2026

Mucaaradka xaq dastuuri ah ayaa u ogalaanaya in ay abaabulaan oo ay sameeyaan banaanbax nabadeed. Lakin waxaa waajib ku ah oo mas’uuliyad ka saarantahay Mucaaradka in ay ilaaliyaan in banaanbaxu uu noqdo mid madani ah oo nabad ah…oo aan CIIDAMEEYSNEEYN!.

Dowladduna waa in aysan dhibsan ama awoow ciidan u isticmaalin sifo ay ku hor istaagto banaanbax nabadeed…taas badalkeed waa in ay sugtaa amniga dadka banaanbaxa sameeynaya shacab iyo mas’uuliyiinba. Sifahaas ayayna ku jirtaa dowladnimada ku dhisan ilbaxnimada casriga ah.

07/05/2026

Bisinka!.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Soddonka Street
Mogadishu