Xogta Dunida

Xogta Dunida

Share

Kabogo waxa ka dhacaya Dalkaaga iyo Caalamka oo dhan

24/03/2026

Maxaan ka jira inay socdaan wada-xaajoodya lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Iiraan?

Dagaalka u dhexeeya Washington iyo xulufadeeda iyo Tehran, ayaa galay marxalad xasaasi ah oo wax kasta laga filan karo, waxaana marba mark aka danbeeya dhinacyada sii xoojinayaan hanjabaadyada iyo bartilmaameedyada ay duqeymaha la beegsanayaan.

Waxaa xiisadda sii xoogeysatay kadib markii Trump, uu habeenkii Sabtida u qabtay Iiraan in 48 saacadood ay ku furto marinka Hormuz, isagoo ku hanjabay in la tirtiro doona dhamaan kaabayaasha tamarta Iiraan haddii ay ka madax adeygto dalabkiisa.
Tehran, ayaa dhankeeda ku jawaabtay inay Falcelin adag ka bixin doonaan haddii la beegsado kaabayaasheeda tamarta, hase ahatee subaxnimadii Isniinta, Trump, waxuu ku dhawaaqay in muddadii ay u qabteen furitaanka Hormuz, lagu kordhiyay 5 maalmood, taasi oo u muuqatay tallaabo xeeladaysan oo lagu dejinayo xiisadda.
Tani waxay muujineysaa rabitaanka Mareykanka ee ah inuu gaaro guulo siyaasadeed, xilli qiimaha shidaalka uu kordhay 40%, taasoo cadaadis gudaha ah saartay maamulka Trump si loo soo afjaro dagaalka.
Inkastoo ay sii socdaan duqeymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada militari iyo gantaallada, ayaa haddana waxaa soo baxaya war sheegaya wada-hadallo wax ka abadalaya xaalada dagaalka in ay u socdaan dhinacyada dagaalka.

Maamulka Trump, oo adeegsanaya waddooyin is barbar socda oo guul doon aha ayaa laga soo warinayaa in dhawrjeer uu dalbaday in dagaalka la joojiyo oo markan la aado dhanka wada hadalada. Warbixinno ay daabaceen The New York Times iyo The Wall Street Journal ay sheegayaan in xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Iiraan iyo Mareykanka aanay si buuxda u go’in, balse ay ka gudbeen is dhaafsi fariimo una gudbeen wicitaanno toos ah.
Warbixinta waxay shegeysaa in Jared Kushner, oo ah soddogga Trump iyo la-taliyihiisa, iyo Steve Wyckoff, oo ah ergeyga gaarka ah ee Bariga dhexe, Labaduba aanay goynin xariirka Iiraan, inta uu socday dagaalka.

Warbixinta waxay shegeysaa in qadka telefoonka ay kuwada hadleen Steve Wyckoff iyo wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araghchi, si loo sahmiyo fursada lagu dejin karo xiisadda.
New York Times, oo soo xigatay mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegtay in wada-hadallada telefoonka ee u dhexeeyay Araghchi iyo Wyckoff, waxaa lagu tilmaamay kuwo hordhac ah oo sahaminaya xal laga gaaro dagaalka.
Sida uu xusay Wargeysku, Abbas Araghchi, waxuu u sheegay Steve Witkoff in Iiraan, hadda aysan dooneyn xabbad-joojin ku-meel-gaar ah, balse ay raadineyso heshiis nabadeed oo waara, kaas oo ay ku jiraan dammaanad qaadyo ka imanaya Mareykanka iyo Isra’iil oo ah inaan mar kale la weerarin. Sidoo kale, dhinaca Iiraan, waxay dalbadeen in si gaar ah loo qaado qaar ka mid ah cunaqabateynta dhaqaale ee uu horay u saaray Mareykanka iyo in raaligalin lagabixiyo dullaankii lagu qaaday, sidokalana waxay Iiraan dalbaneysaa magdhaw aan la cayimin.
Sida muuqata Xaaladda Wada-xajoodka waxuu u muuqdaa mid ay ka maqan tahay kalsoonida labada dhinac. Dhanka Tehran waxay iska diidday in wada-hadallo dhab ah ay jiraan, waxay u aragtaa sheekada mid daarran cabsi galin, halka Washington ay wada-hadalada u aragto fursad lagu joojinkaro dagaalka ayna ku sheegankaraan guul dagaal.

Haddaba Su’aashu waxay tahay, wada-hadallada socda ma yihiin xabbad-joojin farsamo oo loogu talagalay in neef lagu qaato, mise wakiillada ka socda Islamabad, Cairo, Istanbul, iyo Oman ayaa ku guuleysan doona inay sameeyaan heshiis dhameystiran oo laga gaara dagaalka saameeyay gobolka iyo dhaqaalaha caalamka ah?

Su’aashu weli waa mid furan oo xujeyneysa awoodda diblomaasiyadda ee lagu xakameyn karo dagaalkan dhaafay dhammaan xuduudaha casriga ah iyo sadaasha khatara dagaalka.

23/03/2026

Yaa Gacanta ku haya joojinta dagaalka, Trump mise Mojtaba Khamenei?

Shaki kuma jiro in Dagaalka mar un uu istaagi doona, ma jiro dagaal weligiis sii soconkaro. Laakiin su’aasha ugu adag waxay tahay goorma ayuu istaagayaa ama dhammaanayaa dagaalka?. Su’aasha kale waxay tahay ma heshiis ayuu ku istaagi doonaa mise in hal dhinac laga adkaado?.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalladu badanaa way ka dheeraadaan intii la filayay, sidoo kale muddada uu qaato ma aha caddayn guul-darro, balse waa xaqiiqda dhabta ah ee dagaalka.
Sida saxda ah dagaalka waxu dhamaan karaa marka la gaaro danahii loo bilaabay ama ay yimadaan caqabado lama filaan ah. Danaha dagaalka waa kuwa is beddeli karo marka loo eego saddexda dhinac ee dagaalka.
Maalinkii uu dagaalka galay toddobaadkiisii saddexaad, madaxweyna Trump iyo mas’uuliyiintiisu waxay bixiyeen calaamado is khilaafsan oo ku saabsan muddada uu Maraykanku sii wadi karo dagaalka.
Wasiirka difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in Trump keliya uu go’aamin karo in dagaalku ku jiro “bilowgiisi, bartankiisi, ama dhammaadkiisa,” taaso micnaheedo yahay in Trump, uu yahay midka leh go’aanka dagaalka.
Wareysi uu dhawaan siiyay bogga Axios, Trump, wuxuu sheegay in dagaalku dhowaan dhammaan doono, isagoo ku daray: “Marka aan rabo inuu dhammaado, wuu dhammaanayaa.” Si kastaba, qiyaaso qaar ayaa sheegaya in hadalladiisa ku saabsan dhammaad degdeg ah ay u egyihiin xeelad siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahaayeen qiimeyn dhab ah oo militari.
Khibradaha taariikhiga ah ee dagaallada waxay muujinayaan in inta badan dagaallada dhex maro dowladaha ay yihiin kuwo aan la sadaalinkarin. Tusaale, dagaalka Russia- iyo Ukraine, waxuu galay sannadkiisii afraad, waxuuna ka dheeraaday intii la filaayay.
Hoggaamiyeyaasha militariga iyo siyaasiyiinta Israa’iil, ayaa sida muuqato aad uga niyad-jabsan waqtiga dagaalka, iyagoo muujinaya in daciifinta awoodda militari ee Iiraan ay u baahantahay howlgallo joogto ah muddo dheer qaadankarto, taana waxay meesha ka sareysaa filashadii h**e ee aheed in muddo gaaban lagu soo afjaro dagaalka.
Marka laga eego dhinaca Israa’iil, yoolkeeda militari waa in la yareeyo khataraha ka imaan karo Iiraan. Balse Mareykanka waxaa u muuqda inuu meesha ka saaro maamulka Iiraan, Farqiga u dhexeeya Washington iyo Telabib, wuxuu sii kordhinayaa hubanti la’aanta mustaqbalka dagaalka.
Qiyaasaha ugu miisaanka culus waxay sheegayaan in aan la filaneynin in nidaamka Iiraan, uu si dhaqsa ah u burburikarin sababa badan awgood.
Taasi waxaa kuu caddeynkarta waxaa dilay hoggaamiyihii sare ee Iiraan, Ali Khamenei, kadib weerar cirka ah oo ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil. Iiraan waxaay si dhaqsaleh u doortay wiilka hoggaamiyihii la dilay, Mojtaba Khamenei, si uu u noqdo hoggaamiye sare dalka, taasi waxay lama filaan ku noqotay xulufadii dagaalka.
Isla waqtigaas, waxaa dunida laga dareemay hoos u dhac dhaqaale, marin biyoodka Hormuz, oo ay maraan ku dhawaad shan meelood meel sahayda shidaalka adduunk ayaa xermay, suuqyada tamarta waxay la kulmeen isbeddello xooggan, qiimaha shidaalkuna wuu kacay inkasta oo soo saarayaasha Shidaalka ay fasaxeen keydkoodii.
Dhanka kale, Iiraan waxay fahamsan tahay inay ku jirto dagaal kii ugu danbeeyay oo la damacsanyahay in lagu burburiyo, mana danaynayso in si degdeg ah loo soo afjaro xiisadda, sida ka muuqato wararka aan is khilaafsaneen ee ka soo baxaya Siyaasiyiintooda.
Sidaas darteed, haddii Tehran ay sii haysato awooddeeda militari—oo ay ku jiraan hanjabaadaha aan sinnayn—si ay u waxyeelayso Maraykanka iyo xulafadiisa, isla markaana ay sii hayso qiimaha tamarta oo sarreeya, waxay noqon kartaa dhinaca ugu dhow ee go’aamin kara dhammaadka dagaalka.
Arrintan, waxay mas’uuliyiinta Maraykanka iyo Israa’iil hordhigeysaa su’aal aan la iska indho tiri Karin, taasi oo ah ma la gaaray yoolkii dagaalka maxaase laga faa’iday?
Marka la eego Warbixin ay dhawaan daabacday Jariirada The New York Times, oo si qoto dheer u falanqaynaysaa guul-darrada ku timid qorshihii Mareykanka iyo Israa'iil ee ku aaddanaa isbeddelka nidaamka Iiraan, ayaa sheegtay in
Mareykanka iyo Israa’iil, markii h**e ay filayeen in weerarrada Iiraan lagu qaaday ay keeni doonaan kacdoon shacab oo horseeda in xukunka laga tuuro madaxda dowladda Iiraan, balse taasi ma dhicin waxayna sii xoojisay filashadii Saraakiisha sirdoonka ee ku saabsanaa in dagaalka uusan si cad u abuurikarin cadaadis dibadda ah ama kacdoon gudaha ah.
Sidokale, waxaa la laalay fikradahii ahaa in la adeegsado xoogagga Kurdida si ay qeyb uga noqdaan rida nidaamka, ka dib markii la darsay khataraha ka dhalankara iyo nidaamka Iiraan oo soo bandhigay sida ay ugu baraan dageen qorshaka dagaallo ka dhaca gudaha dalka.

Gabagabadii, waxaan orankarnaa Trump wuxuu awood u leeyahay inuu ku dhawaaqo in dhiniciisu dagaalka ka baxay, taasi oo saameyn kartaa jihada dagaalka, balsemidas ma dammaanad qaadi karto in dagaalku dhammaaday haddii
Mojtaba Khamenei, oo leh awood la mid tan Trump uusan dhankiisa aqbalin joojinta dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka joojinta dagaalka ma jiro dhinac si dhab ah u balan qaadi karo haddii aanan la helin go’aamo mideysan oo u dhaxeeya dhinacyada dagaalamaya.

10/03/2026

Saamaynta iyo waxa laga dhaxli karo sii socoshada dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan

Dagaal kasta oo ka dhaca Bariga Dhexe wuxuu saameyn ballaaran ku yeeshaa gobolka iyo dunida inteeda kale. Haddii uu sii socdo ama sii xoogaysto dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo xulufadiisa iyo Iiraan, waxaa ka dhalan kara dhibaatooyin isugu jira mid milatari, dhaqaale, isaseeg siyaasadeed iyo mid bani’aadamnimo. Gobolka Bariga Dhexe waa meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo tamarta, sidaas darteed dagaal kasta oo halkaas ka dhaca wuxuu saameyn toos ah ku yeelan karaa dalal badan oo caalamka ah.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee laga dhaxli karo dagaalka sii socda waa colaad ku baahda gobalka. Iiraan waxay leedahay xulafo iyo kooxo taageera oo ku sugan dalal kala duwan oo gobolka ah, halka Mareykanka iyo Israa’iil ay sidoo kale leeyihiin xulafo kale. Haddii dagaalku sii dheeraado, waxaa suuragal ah in dalal kale ama kooxo hubaysan ay ku biiraan, taasoo keeni karta dagaal ka ballaaran kan iminka socda.

Arrinta labaad, waa saameynta dhaqaale, gaar ahaan dhinaca shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ah. Bariga Dhexe waa halka laga soo saaro qayb weyn oo ka mid ah shidaalka dunida. Haddii dagaal uu sii socdo, waxaa khatar geli kara marinnada muhiimka ah ee maraakiibta shidaalka, taas oo sababi karta in qiimaha shidaalka kor u kaco. Markaasna waxaa saameyn ku yeelan doontaa dhaqaalaha dunida oo dhan, gaar ahaan dalalka saboolka ah.

Waxaa muhiim ah oo aan meesha ka marneen waa kororka xiisadda siyaasadeed ee caalamka. Marka dalal awood leh ay isku dhacaan, waxaa dhici karta in quwadaha kale ee caalamka ay siyaasad ahaan kala saftaan. Taasi waxay kordhin kartaa xiisadaha caalamiga ah, waxayna mararka qaar keeni kartaa tartan cusub oo dhanka Hub iyo Tignolojiyadda ah.

Ugu dambeyn, sii socoshada dagaalka noocan oo kale ah waxay keeni karaa khatar amni oo caalami ah, sababtoo ah marka colaado waaweyn dhacaan waxaa kordha weerarrada aan tooska ahayn, falalka aargudashada iyo khataraha amni ee ka dhasha qalalaasaha siyaasadeed.

Sii socoshada Dagaalkan u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan, wuxuu yeelan karaa saameyn aad u ballaaran oo ka baxsan dalalka hadda ishaya. Waxaana sii xoogeeysan karo colaadda, dhibaato dhaqaale, qalalaase ammni, xaalad bani’aadamnimo iyo xiisad siyaasadeed oo caalami ah. Sidaas darteed, xal nabadeed iyo wada-hadal diblomaasiyadeed ayaa ah waddada ugu habboon ee lagu yareyn karo khatarahaas aan soo xusnay.

09/03/2026

Side loo arkaa magacaabista Mojtaba Khamenei oo noqday hoggaamiyaha Iiraan

Magacaabista Mojtaba Khamenei inuu noqdo hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa noqotay arrin si weyn looga hadlay siyaasadda caalamka. Mojtaba ayaa beddelay aabbihiis Ali Khamenei, oo muddo dheer ahaa hoggaamiyaha ugu awoodda badan dalka. Isbeddelkan hoggaamineed wuxuu yeelan karaa saameyn ballaaran oo ku saabsan gudaha Iiraan, gobolka Bariga Dhexe, iyo xiriirka caalamiga ah ee dalkaas.

Ugu horreyn, gudaha Iiraan waxaa laga yaabaa inay ka dhalato dood siyaasadeed oo xooggan. Dad badan ayaa is weydiinaya in xilka si qoys ah loogu wareejiyay Mojtab, maadaama uu si toos ah u beddelay aabbihiis. Qaar ka mid ah shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah waxay arrintan u arkaan mid u eg nidaam boqortooyo, taas oo keeni karta muran siyaasadeed iyo mudaaharaadyo. Dhanka kale, taageerayaasha nidaamka iyo hay’adaha awoodda leh sida ciidamada kacaanka waxay u arki karaan magacaabistan mid sii xoojinaysa xasiloonida siyaasadeed iyo sii wadidda siyaasaddii Ali Khamenei.

Marka la eego gobolka Bariga Dhexe, hoggaamiyaha cusub wuxuu saameyn ku yeelan karaa siyaasadda dibadda ee dalka. Inta badan Iiraan waxay door muhiim ah ka ciyaartaa arrimaha dalal badan oo gobolka ku yaalla sida Ciraaq, Suuriya, Lubnaan iyo Yemen. Haddii Mojtaba Khamenei, uu sii wado siyaasaddii aabbihiis, waxaa dhici karta in taageerada ay Iiraan, siiso xulafadeeda gobolka ay sii socoto ama xitaa kororto. Tani waxay xoojin kartaa xiisadaha gobolka.

Dhinaca caalamka, magacaabista hoggaamiyaha cusub waxay saameyn ku yeelan kartaa xiriirka Iiraan iyo dalalka reer galbeedka. Dalalka sida Mareykanka ayaa muddo dheer khilaaf kala dhexeeyay Iiraan, gaar ahaan arrimaha la xiriira barnaamijka nukliyeerka. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta caalamka, oo uu ugu h**eeya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa walaac ka muujiyay hoggaanka Mojtaba.

Hoggaamiyaha cusub ee Mojtaba Khamenei, waa ninka ugu sareeya Siyaasadda Iiraan, wuxuu si toos ah u maamulaa ciidamada iyo go’aamada waaweyn ee Jamhuuriyadda. Sidaas darteed, isbeddelka hoggaanka wuxuu saameyn ku yeelan karaa istiraatiijiyadda militari ee dalka iyo xiisadaha ka jira gobolka.
Ugu dambayn, magacaabista Mojtaba Khamenei, waxay noqon kartaa mid sii wadda nidaamka siyaasadeed ee Iiraan, iyadoo ay suuragal tahay in ay abuurmaan caqabado cusub oo gudaha iyo dibadda ah, taasi oo ku xirnaan doonta sida hoggaamiyaha cusub uu u maareeyo arrimaha gudaha, xiriirka caalamiga ah, iyo xiisadaha gobolka, balse waxaa biyo k**a dhibcaan ah in halkii aabahiis uu ka joogay xariirka reer galbeeda aanay waxba iska badali doonin.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Makka Almukarama Street
Mogadishu