Abdirashid Wadadyare

Abdirashid Wadadyare

Share

Former Director of Civil Registration – Banadir Region

13/06/2026

Waxaan si weyn u soo dhoweynayaa go’aanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee lagu asteeyey maalinta qabashada doorashada Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Tani waa tallaabo muhiim u ah dhameystirka dowladaha hoose, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo hirgelinta hannaan lagu soo xulo hoggaan si sharciyad iyo kalsooni leh ugu adeega shacabka.

Waxaan rajeynayaa in doorashadu u dhacdo si hufan, caddaalad ah, oo daahfuran, iyadoo musharraxiinta oo dhan loo abuuro fursad siman, si looga soo saaro hoggaan karti, daacadnimo iyo hufnaan ku hoggaamiya degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guusha ugu weyn waa in ay noqotaa guusha shacabka iyo horumarka Muqdisho.

11/06/2026

Dowladnimadu ma aha dhismayaal dhaadheer, wasaarado badan, ama magacyo hay'adeed oo qurux badan.Dowladda dhabta ahi waxay ka bilaabataa qiyamka lagu dhisay iyo kalsoonida ay shacabka ku qabaan.

Hay'ad aan ku dhisnayn caddaalad, hufnaan, isla xisaabtan iyo adeeg bulsho waxay ahaanaysaa qolof maran, xitaa haddii ay leedahay dhismayaal casri ah iyo awood muuqata.

Jumco Wanagsan

10/06/2026

Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur madoobe oo loo doortay inuu noqdo madaxweynah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaan u rajeynayaaa inuu Alle u fududeeyo masuuliyada culus ee hortaala kana dhigo hoggaan , Koonfur Galbeed u horseeda midnimo, xasillooni iyo horumar waara

08/06/2026

Kartidiisu Waxay Gaarsiisay FIFA, Laakiin Soomaaliya Ayaa Ka Hor Istaagtay Koobka Adduunka

Cumar Cabdulkadir Artan ma uusan ku gaarin heerka FIFA nasiib ama xiriir. Wuxuu ku gaaray karti, dadaal, dulqaad iyo sannado badan oo shaqo adag ah.Wuxuu noqday astaan muujinaysa in qof Soomaali ahi gaari karo heerarka ugu sarreeya ee xirfad kasta.

Hase yeeshee, maanta caqabadda hortaagan ma aha kartidiisa, aqoontiisa ama waxqabadkiisa. Waa xaqiiqada adag ee la xiriirta xaaladda dalka uu ka dhashay.

Tani ma aha sheekada Cumar Artan oo keliya; waa sheekada kumannaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo maalin kasta ku dadaalaya inay gaaraan himilooyinkooda, balse mararka qaar la kulma caqabado ka dhasha duruufaha dalkooda iyo daciifnimada hay'adihiisa.

Aabbayaasheen iyo awoowayaasheen waxay inoo reebeen dal burbur, colaado iyo dib-u-dhac dheer ragaadiyeen. Maanta waxa aynu guranaynaa mirihii khaladaadkii iyo dayacaaddii soo taxnayd muddo tobannaan sano ah. Haddaba su'aashu waxay tahay:

Ma sii ahaanaynaa daawadayaal ka sheekaynaya dhibaatada jirta, mise waxaynu noqonaynaa jiilkii dhisi lahaa Soomaaliya ay carruurteennu ku faanaan?

Photos from Caddaaladda iyo Wadajirka's post 22/05/2026
19/05/2026

Finally waa gaarnay halka aan rabnay 22 sano ka dib,anigoo 6 jir ah ayaa Arsenal ugu dambaysay in Horyaal qaado😅.

Hambalyo hambalyo

15/05/2026

waqtiga ayaa wax walba caddayndona!

15/05/2026

4 sano ka hor, 15 May habeenkii ay doorashadu soo dhammaatay ayaan warbaahinta la hadlay, anigoo ka warbixinayay dareenkayga iyo rajadii ku xeerneyd isbeddelka siyaasadeed ee dalka.

Muqaalkani wuxuu xusuusin u yahay marxalad aan kamid ahaa dadkii si muuqata uga qayb qaatay.”

14/05/2026

15-ka May waa maalin taariikhi ah oo xusuus weyn ku leh shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, maadaama ay astaan u tahay halgankii gobannimo-doonka iyo doorkii muuqday ee ay dhallinyaradu ka qaateen mideynta iyo xoreynta dalka.

Hambalyo Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed.
15 May

12/05/2026

"A ruler must be a fox to recognize traps, and a lion to frighten wolves."

Machiavelli

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Maka Almukarama
Mogadishu