Farmaajo Archives

Farmaajo Archives

Share

This is an archive of 9th President of Federal Republic of Somalia H.E. Mohamed Abdullahi Farmaajo.

14/05/2022

Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed mar kale ayey dib u soo noqdeen, iyagoo maanta ku hubaysan daljacayl, anshax wanaagsan, tayo iyo tababar sarreeya.

Maanta waa cududda hoggaaminaysa qorsheyaasha difaaca dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.




13/05/2022

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo caawa safaf ugu jira qaadasha buugga Isbeddel Doonka Socda, ee waxqabadka iyo guulaha uu Madaxweyna Farmaajo, 5-tii sannadood ee la soo dhaafay, ka xaqiijiyey horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.




13/05/2022

Dhallinyaradu waa cududda dalkeenna, haddii la jiheeyo waxay isbeddel dhab ah ku keeni karaan dib-u-dhiska dalka iyo taabbo galka dowladnimadeenna. Dowladda uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa ay sannadihii la soo dhaafay xoogga saartay awoodsiinta dhalliyarada ee dhinacyada ka qayb galka siyaasadda, arrimaha bulshada iyo hoggaaminta, waxaana inta badan xafiisyada ugu muhiimsan dowladda, sida Garsoorka, Xukuumadda iyo Ciidammada Qalabka Sida, hormuud ka ah dhallinyaro lagu xushay hufnaan, karti iyo aqoon.



Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Mogadishu