02/04/2026
HAMBALYO MUDANE JIBRIL CABDIRASHIID XAAJI
MADAXWEYNAHA KUMEELGAARKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA
Xisbiga Nabadraac (XNR) wuxuu hambalyo iyo bogaadin heer sare ah u dirayaa Mudane Hon. Jibril Abdirashid Haji, oo loo magacaabay Madaxweynaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Magacaabistaada waxay astaan u tahay kalsooni iyo rajada shacabka, iyadoo la filayo in aad horseedi doonto hoggaan hufan, cadaalad ku dhisan, iyo horumar waara oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.
Waxaan kuu rajeyneynaa guul, dadaal iyo hufnaan ku dheehan xilka culus ee laguu igmaday, si aad uga miro dhaliso himilooyinka shacabka aad mataleyso, isla markaana aad u xoojiso nabadda, midnimada iyo dowlad wanaagga.
Mar kale, hambalyo iyo guul baan kuu rajeyneynaa.
30/03/2026
๐ก๐๐๐๐๐ ๐ก๐๐๐ฆ ๐๐๐ก๐จ๐จ๐๐ ๐๐๐ ๐ธ๐ด
Xisbiga Nabad Raac wuxuu si weyn u soo dhoweynayaa xaaladda nabadeed ee maanta lagu guuleystay, taasoo muujisay in nabaddu tahay doorashada ugu wanaagsan marka la muujiyo masuuliyad, dulqaad iyo tanaasul.
Alle mahaddiis, waxaa la xaqiijiyay in dagaal uusan dhicin, isla markaana aysan wax khasaare naf iyo maal ah ka soo gaarin labada dhinac ee walaalaha ah. Tani waa guul weyn oo muujineysa qiimaha midnimada iyo wadajirka shacabka Koonfurgalbeed.
Xisbiga Nabad Raac wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynihii h**e Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo muujiyay masuuliyad iyo tanaasul, kana hormariyay badbaadinta shacabka iyo ka hortagga dhiig daata.
Sidoo kale, Xisbiga Nabad Raac wuxuu u mahadcelinayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo si masuuliyad leh u dhowrtay xeerarka dowladda iyo nidaamka qaranka, taasoo door weyn ka qaadatay xasilloonida.
Xisbiga wuxuu si diirran u soo dhoweynayaa Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Wasiir Ahmed Mohamed Hussein, isagoo rajeynaya hoggaan mideeya bulshada.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la soo dhoweeyo siyaasiyiinta iyo waxgaradkii ka tirsanaa xukuumaddii h**e ee Madaxweyne Laftagareen, si loo xoojiyo wadajirka bulshada.
Xisbiga Nabad Raac wuxuu ugu baaqayaa:
๐ In laga fogaado isku dhac qabiil
๐ In la joojiyo bililiqada hantida
๐ In la ilaaliyo nabadda iyo sharciga
Ugu dambeyn, Xisbiga wuxuu ku boorinayaa dhammaan shacabka inay:
๐ Ilaaliyaan nabadda
๐ Taageeraan dowladnimada
๐ Xoojiyaan midnimada
๐ก๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ ๐ด๐๐๐น, ๐ฑ๐ฎ๐ด๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐๐ป๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ ๐ฏ๐๐ฟ๐ฏ๐๐ฟ.
๐๐๐ฑ๐ผ๐ผ๐บ๐ถ๐๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ซ๐ถ๐๐ฏ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ก๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฐ
๐๐ป๐ด. ๐๐๐๐ฒ ๐๐ฎ๐๐๐ฎ๐ป ๐๐ฏ๐๐ธ๐ฎ๐ฟ
20/03/2026
CIID MUBAARAK
Ciid Wanaagsan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac (XNR), Eng-Isse Hassan Abukar wuxuu si kal iyo laab ah farxadda Ciidda ula qeybsanayaa shacabka Soomaaliyeed,
gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed.
Ciiddu waa maalin farxad, midnimo iyo is cafin,
waana fursad aan ku xoojino walaaltinimada iyo wadajirka bulshadeenna.
Waxaan rajeynayaa in munaasabaddan barakeysan ay noqoto mid
keenta nabad, horumar iyo barwaaqo waarta.
Aan ka shaqeyno mustaqbal ifaya oo ay ku mideysan yihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed,
annagoo ilaalinayna nabadda iyo wada noolaanshaha wanaagsan.
Allaha naga aqbalo cibaadadii Ramadaanka,
nagana yeelo kuwa is jecel oo is cafiya.
โ
Eng. Isse Hassan Abukar
Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac (XNR)
25/12/2025
Muddo dheer ayay bulshadeennu ka maqnaayeen fursad ay si xor ah ugu doortaan hoggaankooda, doorasho qof iyo cod ahna ma aysan dhicin. Taasi waxay dhaawacday kalsoonidii, rajadii iyo ka-qaybgalka muwaadinka ee masiirka dalkiisa.
Maanta, Xisbiga Nabad Raac wuxuu u taagan yahay isbeddel dhab ah, mid ku saleysan caddaalad, sinaan iyo ka-qaybgal buuxa. Waxaan rumeysanahay in codka muwaadinku yahay tiirka dimuqraadiyadda, islamarkaana uu yahay awoodda dhabta ah ee wax lagu toosin karo.
XNR ma aha xisbi kaliya, waa himilo qaran oo u taagan mustaqbal ay muwaadiniintu leeyihiin cod, doorasho iyo talo.
Wadajir ayaan wax ku dhisi karnaa.
Codkaaga waa qiimo. Mustaqbalkuna waa gacantaada.
Guddoomiye
Eng. Isse Hassan Abukar
13/11/2025
Xisbiga Nabadraac wuxuu maanta si rasmi ah u bogaadinayaa Eng-Isse Hassan Abukar, oo kamid ah hogaamiyeyaasha firfircoon ee xisbiga, kana mid ah musharrixiinta u taagan Golaha Deegaanka Degmada Waaberi.
Soo guddoominta shahaadada musharaxnimada maanta waxay astaan u tahay geeddi-socodka isbeddelka, hufnaanta iyo hoggaanka cusub ee uu Xisbiga Nabadraac ku taagan yahay.
Eng. Isse waa shaqsi aqoon, karti, iyo daacadnimo lagu yaqaan, waxaana Xisbiga Nabadraac ku kalsoon yahay inuu bulshada Waaberi ku hoggaamin doono wadadii horumarka, cadaaladda iyo nabadda waarta.
Xisbiga Nabadraac wuxuu ugu baaqayaa shacabka degmada Waaberi inay garab istaagaan musharrixiintooda daacad ah ee u taagan adeeg dhab ah iyo isbeddel muuqda.
13/11/2025
Magacaabis Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac
Taariikh: 13 November 2025
โธป
Xisbiga Nabadraac oo ah urur siyaasadeed ku dhisan mabdaโa Nabad iyo Horumar Waara, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Eng-Isse Hassan Abukar inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac.
Magacaabistan ayaa timid kadib kulamo iyo wadatashi qaran oo dhexmaray xubnaha sare ee xisbiga, kuwaas oo si mideysan u doortay Eng. Isse, maadaama uu yahay hoggaamiye dhalinyaro ah, aqoon sare leh, hal-abuur badan, kana goโan inuu dalka u horseedo isbeddel dhab ah oo nabad iyo horumar lagu gaari karo.
Eng. Isse waxaa lagu yaqaannaa daacadnimo, hufnaan, iyo dadaal joogto ah oo uu u galo horumarinta bulshada. Hoggaamintiisa waxaa lagu rajo weyn yahay inay horseedi doonto siyaasadda cusub ee xisbiga โ mid ku dhisan nabad, cadaalad, iyo midnimo qaran.
Guddoomiyaha cusub wuxuu ballan qaaday inuu xoojin doono mabaadiโda xisbiga ee ah:
โข Nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah
โข Horumar dhaqaale iyo shaqo abuur dhalinyaro
โข Dowlad daahfuran oo isla xisaabtan leh
โข Midnimo iyo wadajir bulsho
Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay u baahan tahay hoggaan cusub oo daacad ah, hoggaan u adeega dadka, ee aan adeegsan dadka.
โ Eng. Isse Hassan, Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac ๐๏ธ
โธป
๐ฟ Xisbiga Nabadraac โ Nabad iyo Horumar Waara.
| |