Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin, oo shir jaraa’id qabtay, ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal ay hay’adaha amniga ku soo afjareen maleeshiyaad hubeysan oo shalay weerar ku qaaday ciidamada Booliska ee degmada Howlwadaag, kuwaas oo dhibaato u geystay shacabka Soomaaliyeed isla markaana khalkhal geliyay amniga caasimadda Muqdisho.
Wasaaradda Gaashaandhigga
Ministry of Defence of the Federal Republic of Somalia Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Ministry of Defense for the Federal Republic of Somalia.
30/05/2026
WAR-SAXAAFADEED
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare.
Faahfaahinta ka akhriso bogga Wasaaradda Gaashaandhigga.
https://web.mod.gov.so/resources/NewsDetail/ciidanka-xoogga-dalka-oo-sh-hoose-ku-dilay-horjooge-sare-oo-ka-tirsanaa-al-shabaab-s5
30/05/2026
WARSAXAAFADEED.
BAYDHABO 30 MAY 2026
30/05/2026
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa kulan la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Ruushka, Mudane Vasily Osmakov.
Faahfaahinta ka akhriso bogga Wasaaradda Gaashaandhigga.
https://web.mod.gov.so/resources/NewsDetail/soomaaliya-iyo-ruushka-oo-ka-wada-hadlay-xoojinta-iskaashiga-difaaca-s2
Soo koobid Todobaadle 22-29 May 2026 ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.
27/05/2026
Madaxweynaha JFS ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sh Maxamuud: "Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ciidamada Qalabka Sida, geesiyaasha difaaca dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagay dowladnimada iyo xasilloonida dalka. Nafhurkooda iyo dadaalkooda ayaa horseeday guulaha muuqda ee maanta dalku ku tallaabsanayo.”
27/05/2026
Ra'iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre: “Waxaan ku ammaanayaa wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee dirayska u qaatay xaqiijinta Soomaaliya nabdoon oo horumarsan dadaalkooda ay dhiiggooda ugu hurayaan dalkooda. Waxaan leeyahay Ciid wanaagsan geesiyaal, waxaad ku jirtaan jihaad xaq ah oo sharaftiinna kor u qaadaya.”
Farriinta geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo hambalyada ciidda.
Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.
Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyada Ciidda la wadaagay dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
Farxad ku ciida meel kasta oo aad joogtaan.
Allaha naga yeelo kuwo ku ciida nabad, barwaaqo iyo midnimo.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Mogadishu
