05/06/2026
Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan, oo magaciisa afgarashada Khawaarijta loo yaqaanay “Salmaan”, ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.
Cabdiraxmaan, oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, ayaa isku soo dhiibay tuulada Hantiwadaag oo hoostagta deegaanka Mubaarak, kadib cadaadis xooggan oo ay ciidamada XDS ku hayeen kooxaha nabad-diidka ah.
Taliska Guutada 20-aad, Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa sheegay in isku soo dhiibidani ay qayb ka tahay guulaha isdaba joogga ah ee laga gaarayo dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyagoo ugu baaqay xubnaha kale ee wali ku jira maleeshiyaadka inay ka faa’iideystaan fursadda oo ay isu soo dhiibaan dowladda iyo ciidamada qaranka.
01/06/2026
BEYDHABO—TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED S/GUUTO IBRAAHIM MAXAMED MAXAMUUD OO TABABAR U FURAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA BIRMADKA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFURGALBEED.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ay wehliyeen Wasiiro ka tirsan Maamulka KGS ayaa Dugsiga tababarka ee Magaalada Baydhabo tababar ugu furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Birmadka Koongfur Galbeed kuwaas oo loo diyaarinayo Dagaal ka dhanka ah Khawaarijta
S/GUUTO Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ku bogaadiyay ciidamada dadaalkooda iyo geesinimadooda, waxa uuna adkeeyay in guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu ku yimid isku-duubnida iyo naf-hurnimada ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.
01/06/2026
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Ka Faa’iideysanaya Tababar Sare oo Saraakiisha loogu Diyaarinayo Hoggaaminta iyo Hawlgallada Ciidanka.
Waxaa si rasmi ah uga bilowday Dugsiga Tababarka General Dhagabadan koorsada tababarka saraakiisha (Officers Course), taas oo lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
52 saragaal oo ka kala socda cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galaya tababarkan, kaas oo ay bixinayaan xubno ka tirsan Kooxda Tababarka ee EUTM-S.
Tababarkan ayaa diiradda saaraya maadooyin muhiim u ah horumarinta awoodaha ciidanka, waxaana ka mid ah hoggaaminta, akhriska khariidadaha iyo jiheynta (Topography), dhaqdhaqaaqyada ciidanka ee dhulka, tababarka rasaasta, dagaalka magaalooyinka (FIBUA), saadka, iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.
Ujeeddada tababarkan ayaa ah xoojinta awoodaha hoggaamineed, kobcinta xirfadaha xeeladaha ciidan, sare u qaadista waxtarka howlgalada, iyo horumarinta xirfadaha taliska ee ka qeybgalayaasha, taas oo gacan ka geysaneysa xirfadaysnaanta iyo diyaar garowga hawlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.