01/06/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐-๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐, ๐๐๐-๐-๐๐๐๐๐๐ & ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐
๐ - ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐
๐ ๐จ๐ค๐๐๐ฆ๐๐ข | ๐ฌ๐ญ - ๐๐๐๐ป - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta ee XFS mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf ayaa bishii May 2026 sii wadday hirgelinta waajibaadkeeda qaran, isagoo si hufan oo qorsheysan u fuliyay hawlo muhiim ah oo istiraatiiji ah. Hawlahaasi waxay diiradda saareen horumarinta qorsheynta qaran, dardargelinta mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta habraacyada maamulka, iyo xoojinta iskaashiga hayโadaha dowladda.
Intii lagu guda jiray bisha May, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta ayaa safarro shaqo ku kala tagay dalalka Azerbaijan iyo Turkey, halkaas oo uu kaga qayb galay shirar heer caalami ah iyo kulamo muhiim ah. Kulamadaasi waxay salka ku hayeen xoojinta iskaashiga labada dhinac, isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta, iyo soo jiidashada fursado cusub oo lagu horumarinayo mashaariicda dib-u-dhiska, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo guriyeynta dalka.
Safarradan ayaa ka tarjumaya dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda ay ku ballaarinayso xiriirrada caalamiga ah, kuna xoojinayso wada-shaqeynta ay la leedahay hayโadaha iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, si loo dardargeliyo horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐Facebook.com/mopwrh
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
26/05/2026
๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐
๐ ๐จ๐ค๐๐๐ฆ๐๐ข | ๐ฎ๐ฒ- ๐๐๐ - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaanna shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.
Mudane Wasiirka Ayub ayaa Alle uga baryey ummadda Soomaaliyeed nabad, barwaaqo, horumar iyo midnimo waarta, isaga oo shacabka ku dhiirrigeliyey xoojinta walaaltinimada, wada-jirka iyo is-garab istaagga bulshada dhexdeeda.
Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu Alle SWT ka baryey in sannadkan sannadkiisa lagu gaaro bash-bash, barwaaqo iyo xasilooni, isla markaana uu Eebbe ka aqbalo dhammaan acmaashii suubbanaa ee lagu guda jiray bisha barakaysan ee Dhul-Xijjah (ุฐู ุงูุญุฌุฉ).
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐Facebook.com/mopwrh
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
22/05/2026
๐๐๐
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐
๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐
๐๐๐๐ | ๐ฎ๐ฎ- ๐๐๐ - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban safiiro, agaasimayaal iyo la-taliyeyaal sare oo ka tirsan wasaaradda, ayaa ka qeyb galay wajiga labaad ee Madasha Magaalooyinka Adduunka ee WUF13 oo ka socota magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.
Wasiiru Dowlaha ayaa qudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabad looga hadlayay dib-u-habeynta guriyeynta iyo maamulka dhulka Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay qorshayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira horumarinta guriyeynta casriga ah iyo dib-u-dhiska magaalooyinka dalka.
Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha ayaa ka qeyb galay Madasha Wasiirrada Afrika ee qeybta ka ah shirweynaha WUF13, halkaas oo diiradda lagu saaray xalalka waara ee guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka waaweyn ee Afrika. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd ayaa madasha ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan qorshayaasha guriyeynta Soomaaliya, ka hortagga saameynta aafooyinka dabiiciga ah iyo colaadaha, iyo hirgelinta yoolalka horumarineed ee SDG11.
Intii uu shirku socday, Wasiiru Dowlaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madax iyo wufuud ka socotay dalal kala duwan iyo hayโadaha caalamiga ah. Waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa madaxda lagu casuumay casho sharaf uu martigeliyay Madaxweynaha Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev, oo ay ka qeyb galeen madax caalami ah oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo madaxda Hayโadda UN-Habitat.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐Facebook.com/mopwrh
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
21/05/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐
๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐
๐ผ๐๐๐ผ๐๐ผ | ๐ฎ๐ญ- ๐๐๐ - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Ankara Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Dowladda Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu.
Kulanka oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin iyo lataliyeyaal ka socday labada wasaaradood. Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka, guriyeynta casriga ah, qorsheynta magaalooyinka iyo hubinta tayada dhismayaasha.
Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu, ayaa ugu horeyn si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Soomaaliya, isaga oo muujiyay sida Dowladda Turkigu uga goโan tahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska.
Dhankiisa, Wasiirka Hawlaha Guud XFS, Mudane Ayub Yusuf Ismaaciil, ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay khibradda iyo aqoonta horumarsan ee Turkiga, gaar ahaan dhinacyada injineernimada iyo maamulka mashaariicda waaweyn. Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya ay doonayso in injineerada iyo shaqaalaha wasaaradda laga faaโiideeyo tababarrada iyo aqoonta ay leeyihiin khubarada Turkiga, si ay door muuqda uga qaataan dib-u-dhiska dalka.
Kulanka kadib, Wasiir Ayub Yusuf Ismaaciil ayaa booqashooyin kala duwan ku tegay xarumo hoostaga Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, waxaana si rasmi ah u qaabilay Agaasimaha Hayโadda Waddooyinka ee Dowladda Turkiga oo warbixin ka siiyay howlaha ay hayโaddu qabato iyo mashaariicda waaweyn ee ay gacanta ku heyso.
Wasiirka Ayub Ismail Yusuf ayaa kormeer ku sameeyay waddooyin lagu hirgeliyay nidaamka PPP, kaas oo ay shirkado gaar loo leeyahay ku maalgelinayaan dhismaha waddooyinka, halka khidmadaha isticmaalka waddooyinka lagu qaado nidaam casri ah oo electronic ah. sidoo kale Wasiirka ayaa Wasiirka xarunta dayactirka gaadiidka ee wasaaradda, halkaas oo lagu siiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan hababka casriga ah ee loo maamulo iyo dayactirka gaadiidka dowladda.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya horumarinta wada shaqeynta labada wasaaradood iyo dardargelinta mashaariicda iskaashiga ah ee mustaqbalka.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐Facebook.com/mopwrh
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
21/05/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐
๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐โ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐
๐ผ๐๐๐ผ๐๐ผ | ๐ฎ๐ญ- ๐๐๐ - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxa Wakaaladda Iskaashiga iyo Isu-duwidda Turkiga (TIKA), Mudane Abdullah Eren , oo ku qaabilay xarunta dhexe ee hayโadda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee wax ku oolka ah, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada bulshada.
Wasiir Ayub Ismail Yusuf ayaa si weyn uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Turkiga iyo hayโadda TIKA siiyaan Soomaaliya, isaga oo xusay in mashaariicda ay ka hirgeliso dalka ay door muuqda ka qaataan horumarka, dib-u-soo kabashada iyo xasilloonida Soomaaliya.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa qiimeeyay heerka uu marayo iskaashiga labada dal iyo fursadaha cusub ee lagu ballaarin karo wada-shaqeynta mustaqbalka, si loo xoojiyo dadaallada horumarineed ee socda.
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS ayaa sheegtay inay sii wadi doonto xoojinta iskaashiga iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo mudnaanta la siinayo hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo la jaanqaadaya qorshayaasha horumarineed iyo dib-u-dhiska dalka.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐Facebook.com/mopwrh
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
20/05/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐
๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐ ๐จ๐ค๐๐๐ฆ๐๐ข | ๐ฎ๐ฌ- ๐๐๐ - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Farah Abdinoor Ahmed , ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccรฒ Coppi.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, ayaa waxaa Agaasimaha Guud ku wehliyay madaxda mashaariicda ee Wasaaradda. Inta uu socday kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta magaalooyinka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay mashaariicda horumarineed ee Dowladda Talyaanigu ka taageerto Soomaaliya, iyo sidii loo sii dardargelin lahaa hirgelintooda si ay uga qeyb qaataan dib-u-soo kabashada iyo horumarka dalka.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad miro-dhal ah iyo ballanqaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta labada dhinac, si loo dardargeliyo dadaallada horumarineed ee socda.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
20/05/2026
๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐ | ๐ฎ๐ฌ- ๐๐๐ - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf ayaa kulan kula qaatay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan Mudane Adib bin Ibrahim, Xoghayaha Dowladeedka ee Wasaaradda Qorsheynta Dhulka, Dhismaha, Guriyeynta iyo Siyaasadda Magaalooyinka ee Boqortooyada walaalaha ah ee Morocco.
Wasiirka ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Danjirayaasha Soomaaliya ee Jamhuuriydda Azerbaijan mudane Cabdinuur Fiidoow Iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle Soomaaliya, intii uu socday Shirweynaha Caalamiga ah ee Magaalooyinka Adduunka ee World Urban Forum 13, waxaana masโuuliyiintu ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda dhinacyada la xiriira horumarinta magaalooyinka, guriyeynta iyo dib-u-dhiska.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada caalamiga ah iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta magaalooyinka iyo guriyeynta.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/
19/05/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐, ๐๐๐-๐-๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐
๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐-๐๐
๐๐๐๐ | ๐ญ๐ต- ๐๐๐ - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , oo uu wehliyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Danjire Abdinur Dahir Fidow ayaa kulan-doceed muhiim ah oo ka tirsan Shirka Madasha Caalamiga ah ee Magaalooyinka Adduunka, kana socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, la yeeshay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Dalalka Khaliijka Carabta (GCC), Mudane Jaasim Maxamed Al-Budaywi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda dhinacyada horumarinta magaalooyinka, kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska, iyo horumarka waara, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha iskaashi ee u horseedi kara Soomaaliya horumar muuqda.
Kulankan oo muhiimad gaar ah u lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
--๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________________
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Hussain Adan ibrahim | Xuseen Baarri
Xafiiska Warbaahinta iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: mpwr.gov.so
๐Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya
๐ฆ Twitter:
๐ต Tiktok: tiktok.com/