03/06/2026
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xuukumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub (EU) iyo hoggaanka UNDP.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga lagu hirgelinayo Istaraatiijiyadda Bahda Cadaaladda 2025โ2029 iyo ballaarinta helitaanka caddaaladda ee dalka.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageeradooda joogtada ah isagoo sidoo kale bogaadiyay doorka UNDP ee hirgelinta Barnaamijka Wadajirka ah ee Cadaaladda iyo Asluubta (JJCP), oo ah barnaamij muhiim u ah horumarinta adeegyada caddaaladda Soomaaliya.
โ ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir:
๐๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฑ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
[email protected] - [email protected]
Website: https://moj.gov.so
Twitter: https://twitter.com/MojSomalia
Instagram: https://www.instagram.com/mojsomalia/
Flickr: https://www.flickr.com/photos/mojcasomalia/
03/06/2026
Agaasimaha Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Marwo Faadumo Xasan Rooble ayaa maanta furtay kulanka saddex-biloodlaha ee guddiga cadaaladda carruurta ee degmooyinka kaas oo lagu qabtay degmada Hodan.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay tacadiyada carruurta loo geysto, kor u qaadista cadaaladda carruurta iyo wada-shaqaynta bahwadaagta Cadaaladda Carruurta ee ka howl-gala degmooyinka gobolka banaadir. Waxaa ka soo qaybgalay guddiyada degmooyinka, maamulka degmada Hodan, xubnaha Booliska ee arrimaha carruurta, iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda Cadaaladda.
Agaasimaha ayaa ku dhiirrigelisay inay bulshada ka qeyb qaataan wacyigelinta ilaalinta xuquuqda carruurta, si loo dhiso mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed.
โ ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir:
๐๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฑ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha
[email protected] - [email protected]
Website: https://moj.gov.so
Twitter: https://twitter.com/MojSomalia
Instagram: https://www.instagram.com/mojsomalia/
Flickr: https://www.flickr.com/photos/mojcasomalia/
01/06/2026
Muwaadin ma ogtahay in waxbarashadu tahay xaq aasaasi ah oo muwaaddin kasta uu leeyahay? muwaadin kasta waxuu xaq u leeyahay waxbarasho bilaash ah ilaa heer dugsi sare gaarsiisan.
Ma ogtahay in waxbarashada aasaasiga ah iyo barashada Qurโaanka Kariimka ah ay tahay khasab?
Ma ogtahay in baarashada tacliinta diinta Islaamka ay khasab kutahay ardeyda dhigata dugsiyada dawladda iyo dugsiyada gaarka ah?
31/05/2026
Muwaadin maxaad ka taqaanaa Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Astaanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Heesta Qaranka Soomaaliya?
Ma ogtahay in Dawlad-goboleedyadu ay yeelan karaan calan iyo astaan u gaar ah, balse aysan yeelan karin hees astaameed u gaar ah?
26/05/2026
Ciid wanaagsan dhammaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Ciiddaan Ciideeda kale Alle Ummadda Soomaaliyeed haku gaarsiiyo nabad, midnimo iyo barwaaqo.
26/05/2026
Muwaadin wax ka baro Cutubka 1aad, Qodobkiisa Koobaad ee ka hadlaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, awoodda shacabka, ilaalinta gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dalka.
.
25/05/2026
Muwaadin baro Dastuurkaaga : maxay ka hadlayaan Cutubyada 5aad iyo 6aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya?
25/05/2026
Muwaadin maxaad ka ogtahay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad ee ka hadlaya Mabaadiโda Aasaasiga ah?
25/05/2026
Muwaadin, Dastuurku waa hagaha dowladnimada iyo xuquuqda shacabka. Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxay kula wadaageysaa Nuqulka Rasmiga ah ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guji link-ga hoose si aad u dagsato, u akhrisato una fahamto dastuurkaaga, Fahamka dastuurku waa furaha dowladnimada iyo bulsho wacyi leh.
https://moj.gov.so/wp-content/uploads/2026/05/2026.-DASTUURKA-JAMHUURIYADDA-FEDERAALKA-SOOMAALIYA-2.pdf
24/05/2026
Muwaadin, maxaad ka ogtahay nuxurka Cutubka 3aad iyo 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.?