14/06/2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY GANACSATO IYO MAALGASHADAYAAL KA SOCDA TALYAANIGA
Muqdisho, Juun 14, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah oo ka socday dalka Talyaaniga, kuwaasi oo magaalada Muqdisho uga qayb galay shir ku saabsanaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Kulankan oo uu goobjoog ahaa Danjiraha dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka dhaqaale iyo kobcinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyadoo wafdiga Talyaaniga ay ka mid ahaayeen maamulayaasha shirkado ganacsi, warshado waaweyn iyo maalqabeenno daneynaya in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ganacsatada ku bogaadiyey booqashadooda dalka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay maanta ku tallaabsanayso isbeddel ballaaran oo dhanka amniga, dib u dhiska dhaqaalaha iyo abuurista jawi dhiirrigelinaya maalgashiga caalamiga ah, isaga oo ku boorriyey in ay si dhow uga faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, kalluumeysiga, beeraha, warshadaha iyo adeegyada bulshada.
Dhankooda, wafdiga ganacsatada iyo maalgashadeyaasha ka socday Talyaaniga ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo fursadda qaabilaadda ah ee uu siiyay, iyaga oo muujiyay sida ay u daneynayaan ka faa’iideysiga fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhanka suuqyada soo koraya iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
13/06/2026
Daahir Shire Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta “ayaa sheegay in ay maanta dalka ka sagootinayaan shaqaale Soomaaliyeed oo dibadda ugu ambabaxaya tababar la xiriira shaqooyinka iyo farsamooyinka ceelka shidaalka ee Curad-1.”
11/06/2026
Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay shirkadda maraakiibta ee Akkon Lines oo laga leeyahay dalka Turkiga, taas oo markii ugu horreysay si rasmi ah uga howlgaleysa Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Maareeyaha Dekedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Muqdisho, xubno ka socday Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, wakiillo ka socday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, iyo masuuliyiin ka kala socday shirkadaha Akkon Lines iyo Ocean Network Shipping oo ah wakiilka Soomaaliya ee adeegyada shirkadda akkon.
Shirkadda Akkon Lines ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato fududeynta isu socodka badeecadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo adeeg toos ah oo maraakiib ah ka hirgelinaysa labada dal. Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay kor u qaadi doonto xiriirka ganacsi, maalgashiga iyo isdhaafsiga dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga.
11/06/2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA JOWHAR
Jowhar, Juun 11, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaasi oo uu ka daah-furay mashaariic horumarineed iyo xarumo dowladeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa xarigga ka jaray Qasriga Madaxtooyada Hirshabeelle oo si casri ah loo dhisay, dhismayaasha Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyadda iyo sidoo kale waddooyin laami ah oo kor u qaadaya bilicda iyo isku socodka magaalada.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hirgelinta mashaariicdan ay ka tarjumeyso dadaallada madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee lagu xoojinayo adeegyada dowladda, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sare u qaadidda adeegyada ay helaan shacabku.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Hirshabeelle iyo xarumo kale oo dowladeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona tayeynta maamulka, hufnaanta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta adeegyada bulshada.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
11/06/2026
UEFA ayaa ku dhawaaqday in Finalka UEFA Super Cup-ka Yurub uu dhex-dhexaadin doono garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan.
Kulanka Final-ka ayaa dhex mari doona PSG iyo Aston Villa.
10/06/2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAAMIYAHA LA DOORTAY EE DOWLAD-GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED
Muqdisho, Juun 10, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha oo bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay doorashooyinkii ka dhacay Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay deegaanka, aniga oo u rajeynayaa in uu xoogga saaro mideynta bulshada Koonfur Galbeed, islamarkaana ka shaqeeyo nabadda, horumarka iyo dowladnimada”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee ay shacabka Koonfur Galbeed sida tooska ah uga qayb galeen ay bog cusub u fureen taariikhda dimuqraadiyadeed ee dalka, isla markaana ay muujiyeen biseyl siyaasadeed, wacyi bulsho iyo sida ay uga go’an tahay shacabka Soomaaliyeed hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay boqolaalkii kun ee shacabka ahaa ee ka qayb galay doorashooyinka dhacay adkeysigii, dulqaadkii iyo sidii ilbaxnimada lahayd ee ay uga qayb qaateen geeddi-socodka doorashooyinka, isaga oo xusay in ka qaybgalka ballaaran ee shacabka uu yahay tusaale muujinaya kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada, nabadda iyo mustaqbalka dimuqraadiyadeed ee dalka.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
10/06/2026
Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa la hadlay warbaahinta kaddib markii uu ku guuleystay doorashada hoggaaminta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
10/06/2026
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay Barnaamijka Qaran ee Hanuuninta Shaqaalaha Dowladda, kaasi oo ujeedkiisu yahay kor-u-qaadista maamulka, kobcinta xirfadaha shaqo iyo isku-xirka hey’adaha dowladda.
09/06/2026
Baydhabo: Waxaa si rasmi ah u bilowday hadal-jeedinta musharaxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa ka socota hoolka doorashada ee magaalada Baydhabo, waxaana goobta ku sugan mas’uuliyiin ka kala socota heerarka Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.
Musharaxiinta ayaa soo bandhigaya barnaamijyadooda siyaasadeed iyo aragtidooda hoggaamineed ee ku aaddan mustaqbalka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
09/06/2026
WAR-SAXAAFADEED.
Guddiga Doorashooyinka oo ka jawaabay cabashadii Musharaxiinta hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.