06/06/2026
Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Komaandooska Danab oo Howlgallo Amni Xaqiijin ah ka Sameeyey Deegaanno Hoostaga Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka Komaandooska Soomaaliyeed Danab gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad ee Danab, ayaa guulo muhiim ah ka hooyey howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah oo maalmihii la soo dhaafay si is daba joog ah uga socday deegaanno dhowr ah.
Howlgalladan qorsheysan oo saacado badan qaatay ayaa si gaar ah looga fuliyey Deegaanada kala ah Warmaxan, Tasxiille, Shareey, 10-Buundo, Tabeelaha, iyo aagga Donka.
Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd mid lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaanadaas, ciribtirka haraadiga kooxaha argagixisada, iyo sidii loo furi lahaa waddooyinka muhiimka ah ee isku xira deegaanadan, si shacabka deegaanka ay ugu degaan nabadgalyo dhab ah, ganacsiga iyo isu-socodkuna u noqon lahaayeen kuwo ammaan ah.
Saraakiisha hogaaminyay hawlgalkan ayaa si heer sare xil isaga saaray ka run sheegida waajibaadka qaranka u igmaday, ayagoo si dhaw ula shaqeeyay shacabka deegaanka. Intii uu socday hawlgal ayaa lagu soo qabtay dhagar qabe kamida Khawaariijta oo dhib weyn ku hayay dadka masaakiinta iyo gaadiidleyda.
Ciidanka Komaandooska Danab ayaa ka run sheegay Waajibka ku aaddan xoreynta iyo xaqiijinta amniga dalka waa mid sii socon doona tan iyo inta dalka oo dhan laga sifeynayo argagixisada.
DHAMAAD
03/06/2026
Ururka 161-aad ee Kumaandooska DANAB oo Gargaar Caafimaad Gaarsiiyay Yaaqbari-Weyne
Ururka 161-aad ee Kumaandooska DANAB XDS ayaa maanta daawooyin iyo agab caafimaad gaarsiiyay deegaanka Yaaqbari-Weyne ee gobolka Shabeellaha Hoose, si loo taageero bulshada deegaanka loona xoojiyo adeegyada caafimaadka ee halkaas ka jira.
Gargaarkan caafimaad ayaa loogu talagalay in lagu yareeyo baahiyaha caafimaad ee ay qabaan shacabka deegaanka, iyadoo ciidamada DANAB ay door muuqda ka qaadanayaan isku xirka amniga iyo adeegyada bulshada.
Mas’uuliyiinta deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn u soo dhaweeyay gargaarkan, iyagoo uga mahadceliyay Ururka 161-aad ee DANAB dadaallada ay ku garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlaha bulshada loogu adeegayo ee ay si joogto ah u fuliyaan Kumaandooska DANAB, kuwaas oo ay uga gol leeyihiin horumarinta nolosha shacabka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya ciidamada iyo bulshada.
02/06/2026
Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgallo Amni Xaqiijin ah Ka Fuliyey Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad, ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyey deegaannada Garas Dheere, Jariirow iyo Dabayley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalladan oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida gobolka ayaa lagu baaray goobaha ay ku dhuumaaleysan karaan kooxaha Khawaarijta, iyadoo ciidamada ay sameeyeen roondooyin iyo baaritaanno lagu xaqiijinayo badqabka shacabka ku nool deegaannadaasi.
Taliska Ururka 164-aad ayaa sheegay in howlgalladu ay u dhaceen sidii loo qorsheeyey, islamarkaana ay qeyb ka yihiin qorshaha lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ee isku dayaya inay qalqal geliyaan amniga iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa xusay in howlgallada amni xaqiijinta ah ay sii socon doonaan, si loo xoojiyo amniga loona xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan jawi amni iyo xasillooni leh.
Sidoo kale, saraakiisha hogaaminaya howlgalkan
ayaa shacabka ugu baaqay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, ayna la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada.
DHAMMAAD
01/06/2026
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgal baaritaan iyo sifeyn ah ka fuliyay deegaanka Suleymaan, iyagoo beegsaday hoggaamiyeyaasha Khawaarijta Al-Shabaab. Ciidanka Danab ayaa gudaha u galay deegaanka Suleymaan, halkaas oo ay ku soo qabteen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta.
Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa ka cararay deegaanka markii ay maqleen imaanshaha Ciidanka Danab, iyagoo ka tagay bakhaarro hub iyo sahay sharci-darro ah. Qaar ka mid ah maleeshiyaadka ayaa isku dayay inay ku dhex dhuuntaan shacabka deegaanka Suleymaan, balse horjoogayaashii Khawaarijta uma suurtagelin inay ka baxsadaan gacanta Ciidanka Danab.
Howlgalkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga dalka, laguna ciribtirayo Khawaarijta sida sharci-darrada ah u dhibaateeya una gumaada shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Danab waxay weli yihiin gaashaanka iyo seefta Dowladda Federaalka Soomaaliya — kuwo geesiyaal ah, karti leh, isla markaana si buuxda uga go’an tahay difaaca shacabka iyo dalka. Gacanta Danab meel kasta way gaartaa. Haddii aad hayso xog ku saabsan Khawaarijta Al-Shabaab, la xiriir Ciidanka Danab:
30/05/2026
Ciidanka Kumaandooska Danab oo Hawlgal Ugaarsi iyo Amni Xaqiijin ah ka Fuliyey Deegaanka Caliyow Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad, ayaa hawlgal lagu ugaarsanayo canaasir Khawaarij ah ka fuliyey deegaanka Caliyow Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalka oo qayb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga iyo xasiloonida deegaannada laga xoreeyey argagixisada, ayaa lagu soo qabtay afar (4) xubnood oo ka tirsan kooxda Khawaarijta AS, waqti ay ku hawlanaayeen maleegida dhibaateeynta shacabka deegaanka, kuwaas oo hadda ku jira gacanta hay’adaha amniga si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo.
Sidoo kale, ciidamadu waxay baaritaan dheer ku sameeyaan deegaanka iyo guryaha tuhunsanyaal Khawaarij ah, kuwaasoo baxsad ka ahaa sharciga balse ilaa hadda lagu raad joogo lana soo qaban doono goordhaw. i.a.
Taliska Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa sheegay in hawlgallada amni xaqiijinta ah ay sii socon doonaan, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada argagixisada loona xaqiijiyo nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Kumaandooska Danab waxay shacabka ku bogaadiyeen wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, iyagoo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan bixinta xogaha la xiriira kooxaha argagixisada.
DHAMMAAD
30/05/2026
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal guul leh ka fuliyay deegaanka Hantiwadaag, kadib markii ay iskaashi ka heleen shacabka deegaanka.
Waxaa la dilay 2 ka tirsan khawaarijta halka qaar kale oo isku dayay inay shacabka ku dhex dhuuntaan la soo qabtay.
Waxaa la burburiyay 3 goobood oo lagu farsameynayay qaraxyada iyo 2 bakhaar oo hub ah.
Howlgalka wuxuu ku bilowday kadib markii koox ka tirsan Khawaariijta ay ku halaagsameen miino ay iyagu aasayeen, taas oo keentay in shacabku ku wargeliyaan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab.
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab waxay u mahadcelinayaan shacabka, waxayna diyaar u yihiin inay beegsadaan argagixisada meel kasta oo ay joogaan.
Haddii aad aragto ama hayso xog ku saabsan Khawaariijta, la xiriir Ciidanka Kumaandooska Danab. 575
- DHAMMAAD -
27/05/2026
URURKA 165-AAD EE GUUTADA 16-AAD KUMAANDOOSKA DANAB OO SALAADDA CIIDDA KULA OOGAY SHACABKA DEEGAANKA BUURHAKABA
BUURHAKABA, BAY – Ciidanka Kumaandooska Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, ayaa maanta Salaaddii Ciidda kula oogay boqolaal ka tirsan shacabka ku dhaqan deegaanka Buurhakaba ee gobolka Bay.
Tallaabadan ayaa muujinaysa xiriirka dhow iyo kalsoonida ka dhexaysa Ciidanka Qaranka iyo bulshada deegaanka, iyadoo saraakiisha ciidanku ay shacabka la wadaageen farxadda Ciidda, una fidiyeen bogaadin iyo hambalyo.
Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad ee Danab ayaa safka h**e kaga jira hawlgallada qorshaysan ee deegaannada Gobolka Bay looga sifaynayo haraadiga kooxda Khawaarijta ah ee argagixisada ah.
Ciidanka ayaa si naf-hurnimo leh u wada hawlgallo xiriir ah oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta, si shacabka ku dhaqan gobolka ay ugu noolaadaan nabad, amni iyo deggenaan buuxda.
Hogaanka Ururka 165-aad ee Danab ayaa munaasabadda Ciidda ka dib ballan-qaaday inay sii labanlaabi doonaan hirdanka iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, ilaa laga tirtiro deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan, iyagoo shacabka ku ammaanay sida ay mar walba u garab-taagan yihiin ciidankooda geesiyaasha ah.
— DHAMAAD —
27/05/2026
Ciidanka Danab oo Howlgal Amni Xaqiijin ah ka Fuliyey Gaalkacyo, Kuna Soo Qabtay Eedeysanayaal
GAALKACYO – Iyadoo Maanta loo dabaal Dagaayo malinta kowaad ee Ciidal Adxaa, ayaa Ciidanka Kumaandooska Danab, si gaar ah Ururka 163-aad ee Guutada 16-aad, waxay habeenkii xalay ahaa howlgal ballaaran oo amni xaqiijin ah ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Howlgalkan oo ujeedkiisu ahaa sugidda nabadgelyada guud ee gobolka, ayaa intii uu socday lagu soo qabqabtay 6 nin oo lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin kooxda khawaarijta ah.
Howlgalka waxaa horkacayay Taliyaha Taliska Gaalkacyo, Xiddigle Cabaas Cabdiraxmaan Maxamed.
Waxaa howlgalka qayb weyn ka ahaa maamulka Degmada Gaalkacyo oo gacan ka geystay isku-duwista amniga.
Ciidanka ayaa baaritaanno amni oo qorsheysan ka sameeyey xaafadaha Hormar iyo Wadajir ee magaalada Gaalkacyo.
"Waxaan ka codsanaynaa shacabka magaalada Gaalkacyo inay si dhow oo wada-jir ah ula shaqeeyaan ciidanka
Howlgalkan ayaa qayb ka ah qorshayaasha ay laamaha amnigu ku xaqiijinayaan in dadweynuhu ay ku ciidaan jawi nabdoon oo xasiloon.
27/05/2026
Taliska Guutada 16’aad Kumaandooska Danab XDS wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidul Adxaa, gaar ahaan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, dadka iyo diinta.
Waxaan Alle SWT uga baryeynaa in munaasabaddan barakeysan nagu gaarsiiso nabad, barwaaqo iyo guul waarta, sidoo kalena uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo dhammaan shuhadadii nafahooda u huray difaaca qaranka Soomaaliyeed.”
Ciid Mubaarak 🇸🇴