EUTM Somalia

EUTM Somalia

Share

European Union Military Mission to contribute to the training of Somali National Armed Forces

06/06/2026

Happy National Day, Sweden!
The European Union Mission in Somalia (EUTM Somalia) extends its warmest congratulations to the people of Sweden on the occasion of Sweden’s National Day.
As a valued partner, Sweden continues to play an important role in supporting peace, security, development, and stability in Somalia and across the region. We appreciate the strong cooperation and shared commitment to promoting prosperity, partnership, and mutual understanding.
On this special day, we wish the people of Sweden joy, unity, and continued success.


Hambalyo Maalinta Qaranka Sweden!
Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM Somalia) wuxuu hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa shacabka Sweden munaasabadda Maalinta Qaranka Sweden.
Iyadoo ah saaxiib muhiim ah oo la isku halayn karo, Sweden waxay sii waddaa inay door muuqda ka qaadato taageeridda nabadda, amniga, horumarka, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Waxaan si weyn u qadarinaynaa wada-shaqeynta adag iyo sida ay nooga go’an tahay kor u qaadidda barwaaqada, iskaashiga, iyo isfahamka labada dhinac.
Maalintan gaarka ah, waxaan shacabka Sweden u rajaynaynaa farxad, midnimo, iyo guulo sii socda.

05/06/2026

Happy National Day to Denmark!
EUTM Somalia celebrates with the people of Denmark on their National Day. We extend our warmest congratulations and deeply value Denmark’s steadfast partnership and its invaluable contributions to peace, security, and development in Somalia.


EUTM-S waxay hambalyo u diraysaa shacabka Denmark munaasabaddan Maalinta Qaranka.Waxaan si weyn u qiimeynaynaa iskaashiga joogtada ah ee Denmark iyo kaalinteeda muhiimka ah ee ku aaddan nabadda, amniga, iyo horumarka Soomaaliya.Waxaan Denmark u rajaynaynaa barwaaqo, horumar.

05/06/2026

Happy National Armed Forces Day, Finland!

EUTM-S extends its sincere congratulations to the Finnish Defence Forces and the people of Finland on the occasion of Finland’s National Armed Forces Flag Day.
Yesterday, we recognized the dedication, professionalism, and service of the women and men who contribute to Finland’s security and to international peace and stability. Finland’s commitment to defence cooperation and shared security values continues to strengthen partnerships and support global security efforts.
We honor all those who serve and thank Finnish personnel for their valuable contributions to international missions and operations.


Farxadda Maalinta Calanka ee Ciidamada Difaaca Qaranka Finland!

EUTM-S waxay hambalyo kal iyo laab ah u diraysaa Ciidamada Difaaca Finland iyo shacabka Finland munaasabadda calanka Ciidamada Difaaca Qaranka Finland, waxaan aqoonsanaynaa dadaalka, xirfadda, iyo adeegga haweenka iyo ragga ka qayb qaata amniga Finland iyo sidoo kale nabadda iyo xasilloonida caalamiga ah. Ballanqaadka Finland ee iskaashiga difaaca iyo qiyamka amniga ee la wadaago ayaa sii xoojinaya iskaashiyada isla markaana taageeraya dadaallada amniga caalamka.Waxaan maamuusaynaa dhammaan kuwa u adeegaya dalkooda, waxaana uga mahadcelinaynaa ciidamada Finland kaalintooda qiimaha leh ee ay ku leeyihiin hawlgallada iyo fulinta caalamiga ah.

02/06/2026

Celebrating 80th Anniversary of the Italian Republic in Somalia!
EUTM Somalia joined the Italian contingent to commemorate the 80th anniversary of Italy’s Republic Day with a solemn Flag Raising Ceremony at the International Campus of Mogadishu attended by H.E. Mario Daccò Coppi, Ambassador of Italy to Somalia, and Brig. Gen. Elio Manes.
This moment of unity and pride reaffirms Italy’s commitment within the EU framework to fostering peace, stability, and cooperation in Somalia, aligning with the mission’s objectives and the broader European engagement in the region.


Dabaal-degga Sanad-guuradii 80-aad ee Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Soomaaliya!
EUTM Somalia ayaa kala qayb gashay cutubka Talyaaniga xuska sanad-guuradii 80-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga, iyadoo lagu qabtay munaasabad rasmi ah oo calan-taag ah oo ka dhacday Xarunta Caalamiga ah ee Muqdisho. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, Mario Daccò Coppi, iyo Taliyaha Ciidanka EUTM Somalia,Sareeye Guuto Elio Manes.
Munaasabaddan oo muujinaysa midnimo iyo sharaf ayaa dib u xaqiijinaysa sida ay Talyaanigu uga go’an tahay, iyada oo loo marayo qaab-dhismeedka Midowga Yurub, horumarinta nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga Soomaaliya. Tani waxay si buuxda ula jaanqaadaysaa himilooyinka howlgalka EUTM Somalia iyo dadaallada ballaaran ee Midowga Yurub ee gobolka.

Photos from EUTM Somalia's post 31/05/2026

EUTM-S MFCdr Brig. Gen. Elio Manes bid farewell to U.S. Defense Attaché Lt. Col. Eric Willis upon the completion of his tour of duty and welcomed the newly appointed Col. Egan O’Reilly wishing him the very best in his upcoming role.
The meeting offered an opportunity to exchange views on the evolving security environment and discuss ongoing efforts to support the development of capable and resilient Somali security institutions.
Brig. Gen. Manes highlighted the importance of maintaining dialogue among international partners working alongside Somalia.


Taliyaha Ciidanka Hawlgalka Midowga Yurub ee Tababarka Soomaaliya (EUTM-S), Sareeye Guuto Elio Manes, ayaa sagootiyay Gaashaanle Dhexe Eric Willis, oo ahaa Ku-xigeenka Arrimaha Difaaca ee Maraykanka (U.S. Defense Attaché), kadib markii uu dhammeystay muddadiisii shaqo. Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyay Korneyl Egan O’Reilly, oo dhawaan loo magacaabay xilkaas, isaga oo u rajeeyay guul iyo wanaag hawshiisa cusub.
Kulanka ayaa fursad u noqday in la is dhaafsado aragtiyo ku saabsan xaaladda amni ee isbeddelaysa iyo dadaallada socda ee lagu taageerayo horumarinta hay’adaha amniga Soomaaliyeed si ay u noqdaan kuwo karti leh, adkaysi badan, isla markaana waara.
Sareeye Guuto Manes ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-hadalka iyo iskaashiga u dhexeeya saaxiibada caalamiga ah ee garab taagan Soomaaliya, si taageeradoodu ula jaanqaaddo mudnaanta iyo baahiyaha amniga ee dalka.

30/05/2026

EUTM Somalia proudly joins in commemorating the Spanish National Armed Forces Day
Today, we pay tribute to the professionalism, dedication, and commitment of the women and men serving in the Spanish Armed Forces. Their contribution to international peace, security, and stability continues to make a meaningful impact around the world, including through their support to missions such as EUTM Somalia.
Happy Spanish National Armed Forces Day!


EUTM Soomaaliya waxay si sharaf leh uga qayb qaadanaysaa xuska Maalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Spain.
Maanta waxaan u mahadcelinaynaa xirfadda, hufnaanta, dadaalka iyo daacadnimada haweenka iyo ragga ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Spain. Doorkooda ku aaddan nabadda, amniga iyo xasilloonida caalamka ayaa sii wada inuu saameyn muuqata ku yeesho dunida oo dhan, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hawlgallada sida EUTM Soomaaliya.l
Hambalyo Maalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Spain!
Qalabka Sida ee Spain u Xoog badan

26/05/2026

Eid Mubarak to Somalia!
We extend our warmest wishes to all those celebrating Eid al-Adha.
This blessed occasion reflects the values of faith, sacrifice, compassion, generosity, and unity — values that continue to inspire communities across Somalia and beyond.
May this Eid bring peace, happiness, and prosperity to you and your loved ones.
On behalf of EUTM-S, we extend our warmest wishes to all those celebrating Eid al-Adha.


Ciid Mubaarak Soomaaliya!
Waxaan hambalyada diiran u diraynaa dhammaan dadka u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidul-Adxa, Gaar ahaan dadka Soomaaliyeed.
Munaasabadan barakeysan waxay ka tarjumaysaa qiyamka iimaanka, naf-hurnimada, naxariista, deeqsinimada, iyo midnimada dadka Soomaaliyeed iyo kuwa kaleba.
Ciiddan ciideeda alle ha idinku gaadhsiiyo nabad, farxad iyo barwaaqo adinka iyo ehelkiinaba.
Anago ku hadleyno magaca EUTM-S, waxaan u hambalyeyneynaa dhammaan kuwa u dabaaldegaya Ciidul-Adxa.

25/05/2026

Celebrating Africa Day with Somalia

Today, we join Somali people, together with millions of Africans across the continent and in the diaspora, in commemorating Africa Day!
Africa Day holds special significance for Somalia and the African Union family. For nearly two decades, African nations have stood shoulder to shoulder with the Somali people in support of their journey toward peace, stabilization, state-building, and recovery.
As we commemorate this important day, we recognize the sacrifices made by Somali security forces and the people of Somalia, who have worked tirelessly to restore peace and stability across the country.
Their courage, resilience and commitment continue to inspire hope for a secure and prosperous Somalia.
-S

U dabaal degga maalinta Afrika ee Soomaaliya

Maanta, waxaan kala qayb qaadanaynaa dadka Soomaaliyeed, oo ay weheliyaan malaayiin Afrikaan ah oo ku nool qaarada iyo qurbaha, xuska maalinta Afrika!
Maalinta Afrika ayaa ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya iyo qoyska Midowga Afrika. Ku dhawaad labaatankii sano ee la soo dhaafay, dowladaha Afrika waxa ay garbaha iskula garab taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed si ay u taageeraan socdaalkooda dhinaca nabadda, xasilinta, dowlad-dhisidda, iyo soo kabashada.
Anagoo xusayna maalintan muhiimka ah, waxaan garwaaqsanahay nafhurnimada ay u hureen ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo si hagar la'aan ah uga shaqeeyay soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka oo dhan.
Geesinimadooda, adkaysigooda iyo dadaalkooda waxay sii wadaan dhiirigelinta rajada Soomaaliya oo ammaan ah oo barwaaqo ah.
-S Afrika2026

Photos from EUTM Somalia's post 25/05/2026

Strengthening Partnership Through Training

EUTM Somalia and the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) conducted a highly successful joint logistics training activity.
This initiative focused on sharing vehicle recovery procedures and operational best practices, marking another significant step forward in strengthening the partnership and mutual recognition between our Missions.
Through this collaboration, we reinforce cooperation, interoperability, and our shared commitment to operational excellence in support activities.
Together, we are building stronger capabilities for a more stable Somalia.


Xoojinta Iskaashiga iyada oo loo marayo Tababar

Hawlgalka Midowga Yurub ee Tababarka Soomaaliya iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ayaa si wadajir ah u qabtay tababar saadka ah oo si heer sare ah u guuleystay.l
Hawlgalkan ayaa diiradda lagu saaray wadaagista habraacyada soo kabashada gaadiidka iyo hababka ugu wanaagsan ee howlgalka, taas oo astaan u ah tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo is-aqoonsiga wadajirka ah ee ka dhexeeya labada hawlgal.
Iyadoo loo marayo iskaashigan, waxaan sii xoojinaynaa wada shaqeynta, iswaafajinta howlgalada, iyo ballanqaadkeenna wadajirka ah ee ku aaddan heer sareynta howlaha taageerada.
Si wadajir ah, waxaan u dhiseynaa awoodo adag oo Soomaaliya xasilloon.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Mogadishu International Airport
Mogadishu