04/06/2026
Hambaliyo guud ahaan KGS gaar ahaan ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JPS).
KGS waa hoyga ilbaxnimada, barwaaqada iyo xoriyadda, waxaan u rajeynayaaa saaxiibadda la doortey in uu Ilaahey sw ku asturo masuuliyadda loo idmadey.
04/06/2026
Xiligii hogaamiye kooxeednimada inta qoryo la soo qaato laamiyada la soo fariisan jirey waa la soo dhaafey, dowlad qaan gaar ah iyo ciidan dhiiran oo Sharciga ilaalinaayo ayuu dalku leeyahay.
Qofkii siyaasad raba afka haka hadlo shacabkana cod haka doonto. Wixii intaas ka badan qofkii la yimaada sharcigaa loo simanyahay, wuxuu ka heluu leeyahay.
Guusha shacabkaa iska leh.
04/06/2026
No more hogaaamiye kooxeed, dowladnimadu ha waarto!
03/06/2026
Madasha beerka ariga quus heer waxay ka maraayaan, intey xabad kor u ridaan iney yiraahdaan waa lana soo weerarey. Guryihiina ku laabta walaalayaal!
03/06/2026
Nimanka guryahooda ka soo tagey ee soo degey goobo aan wax xasarad ah ka jirin lana yimid maleeshiyo qoryo waaween wata, hadana xabadeeynaaya saraakiishii amnigana ka shaqeynaayey ayaa waxay jilaayaan in iyaga lagu soo duuley.
Waxaa kaaga sii daran waxay ogyihiin in aysan shacab u mudaharaadeynin sidaas daraadeedna ay rabaan in qori wax ku raadsadaan.
Yaa dowladi ka qoryo badan hadii qori wax lagu raadsanaayo.
Shacabka iyo aduunku yaan la marin habaabinin, Soomaaliya waa ka gudubtey in hogaamiye kooxeednimo dib loogu laabto. Nin walba gurigiisa waa la yaqaanaa ha ku laabto.
03/06/2026
Xaaladda reer beerka ariga .
Hasha Geela iyadaa cunaysa iyadaana cabaadaysa!
02/06/2026
Qoladii Beerka iyo kelida ariga Ajaanibtii xariga u heysey waxay ku xujeeyeen iyagoon Xamar xabad ka ridin in qarashka harsan loo soo fasaxeynin.
Markaasaa waxay qoryo la soo aadeen magaalada meelihii loo soo damaashaad tageeyey oo ay ugu horeyso xeebta liido.
Bal shacabkeygiyoow nimankaas maxaan ku tilmaanaa! Alla nimanku cadowsanaa oo horumarka Shacabka Muqdisho nebcaa!