13/06/2026
Galabta waxaan kormeer ku tagnay Tuulada Cayaaraha ee Stadio Muqdisho, oo ka mid ah goobaha loo asteeyey qabashada munaasabadaha cayaaraha ee lagu xusayo maalmaha xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.
Intii uu kormeerku socday, waxaan daawanay kulan ka tirsanaa wareegga 2-aad ee Horyaalka Qaranka.
Cayaaruhu waa tiir muhiim u ah nabadda, wadajirka bulshada iyo isdhexgalka shacabka. Dowladda waxa ay mudnaan gaar ah siisaa horumarinta cayaaraha si dhalinyarada Soomaaliyeed ay u helaan fursado ay ku kobciyaan kartidooda, kuna xoojiyaan caafimaadkooda jireed iyo maskaxeed, iyagoo door muuqda ka qaadanaya dhismaha bulshada iyo mustaqbalka.
10/06/2026
Maanta waxaa magaalada Baydhabo ka dhacdey doorasho taariikhi ah oo muhiim u ah geedi socodka dowlad dhiska dalka. Waxaana wax doortey xildhibaano ku yimaadey codka shacabka iyo nidaamka xisbiyada badan. Waa fariin isbedel.
Waxaan u hambalyeynayaa Sheekh Aadan Maxamed Nuur Hogaamiyaha cusub ee la doortey, xildhibaanada iyo shacabka reer Koonfur Galbeed.
Hogaamiyaha la doortey waxaan leeyahay, maanta waxaa laguu doortay mas’uuliyad weyn. Masuuliyad ka dhaxeysa dhammaan shacabka Koonfur Galbeed. Waxaa lagaa sugayaa inaad noqoto hoggaamiye mideeya, hogaamiye dhisa kalsoonida, kana shaqeeya dib u heshiisiinta, kor u qaadida amniga iyo dowladnimada.
Waxaa muhiim ah inaad gacan u fidiso musharraxiintii kale, siyaasiyiinta deegaanka, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada. Musharraxiintii tartamay waxaan leeyahay, tartanku waa astaan dimuqraadiyadeed. In la kala guuleysto waa qayb ka mid ah siyaasadda.
Arinkani waa guul siyaasadeed. Waa guul amni. Waa guul laga gaarey geediga dowlad-dhiska dalkeena.
Waxay jawaab u tahay dadka ku doodaya in aan la qaban karin doorashooyin dadweyne, ama in amniga Soomaaliya uusan saamaxeyn qof iyo cod. Sheekadaasi way soo xirantey. Waxaa soo xiray shacabka Soomaaliyeed.
Waa guul ay leeyihiin shacabka reer Koonfur Galbeed, hay’adaha doorashooyinka, ciidamada amniga, maamulka deegaanka, ururrada siyaasadeed, musharraxiinta iyo dhammaan dadkii ka shaqeeyay in doorashadani si nabad ah u dhacdo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u aaminsan tahay in mustaqbalka siyaasadeed ee dalkeennu uu u gudbey nidaamka tartanka furan iyo loolanka xisbiyada badan.
Hambalyo Koonfur Galbeed.
Hambalyo Hogaamiyaha la doortey.
Hambalyo xildhibaannada iyo shacabka Koonfur Galbeed.
08/06/2026
Waxaan maanta ku daahfuray caasimadda Muqdisho Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya.
Madashan oo looga arrinsanayey saamaynta abaaraha, ka hortagga colladaha dowladaha hoose iyo adkaysiga heer degmo ama deegaan ayaa waxaa qayb ka ahaa guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo maayarada dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Dowladdu waxay maalin kasta la tacaaleysaa maareynta baahiyaha bulshada, horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta dhaqaalaha deegaanka iyo ilaalinta wadajirka bulshada, sidaas darteed, guusha dowladaha hoose waa guusha dowladda ee guud ahaan.
Dowladda Federaalka waxaa si buuxda uga go'an xoojinta maamul daadejinta iyo adeeg baahinta. Waxaan aaminsanahay in sida ugu wanaagsan ee loo xoojin karo adeeg bixinta ay tahay in awooda, maaliyada iyo go’aan qaadashada la gaarsiiyo degmooyinka.
3-da maalmood ee soo socota waxaa la is dhaafsan doonaa talooyin wax ku ool ah, isweydaarsi khibrado, iyada oo kaqeybgalayaasha laga dhageysan doono khibradaha kala duwan ee degmooyinka, caqabadaha, fursadaha & xalalka iyo sidoo kale soo bandhidda halbeegyo lagu qiimeeyo waxqabadkooda, sida ay bulshada u abaabulaan iyo sida ay kor ugu qaadaan shaqooyinkaay hayaan.
28/05/2026
Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timi eedo Xaawo Guuleed Cali Food oo ku geeriyootay magaalada Garowe, eedo Xaawo waxay ahayd qof adduun iyo aakhiraba laga jecel yahay, ehel cibaado ah, wanaag oo dhanna ilaahay siiyey. Waxaan eebe uga baryayaa inuu gurigeeda ka dhigo Janatul Fardowsa, Waxaan tacsi gaara u dirayaa dhammaan Ilma Xirsi Nuur Iyo ehelka, gaar ahaan Cabdiwali iyo Aamino,
Samir iyo iimaan.
إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
22/05/2026
Qoraalka kasoo baxey hogaamiye deni ma ahan war u adeegaya danaha shacabka Puntland iyo bulshada Somaliyedba. Waa qoraal kamid ah silsiladihiisi diidmo iyo jahwareerinta ee uu ku curyaaminayey dowladnimada.
‘Waxna ma rabo, waxna ma ogoli, waxna horey uma socon karaan’ waa sadexda kelmadood ee soo koobaya shaqsiyadiisa siyaasadeed. Hadduusan dan shaqsi ah ka dhex arkin, wax walba wuxuu ka dhigayaa carqaladeynta iyo wiiqida midnimada Soomaaliyeed.
Dowladnimadii Puntland wuxuu ka dhigtey marka uu danihiisa ka arki waayo in ay noqota, madal diidmo iyo gaashaan uu ku difaacdo danihiisa shakhsiga ah.
Siyaasadiisu waxay ku dhisan tahay labo waji, waji kowaad oo ah wixii dalka horumarinaya in uu carqaladeeyo iyo wajiga labaad oo ah wax walba oo dalka dib u celinaya ama kala qeybinaya in uu taageero.
Deyn-cafinta wuu ka horyimid. Doorashada dadweynaha wuu diiday. Ka faa’iideysiga Khayraadka dalka wuu ka horyimid. Mashaariicda horumarineed ee Puntland wuu is-hortaagey, marka laga reebo inta danihiisa iyo shabakadihiisa dhexmareysa. Dhismaha ciidan qaran wuu ka horyimid. Deegaanada Waqooyi Bari wuxuu ku furay carqalad siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho.
Laakiin markay timaaddo danaha shisheeye, Deni marnaba k**a gaabin in uu u adeego. Wuxuu taageeray shirqoolkii bada Somaliya. Wuxuu si furan u taageerey qorsheyaal shisheeye oo wiiqaya midnimada dalka. Wuxuu Puntland u beddelay aalad cadaadis lagu saaro dowlada dhexe, si loo fuliyo danaha dalal shisheeye. Wuxuuna mar walba ka shaqeeyaa in dalku uusan horey u socon.
Tan iyo markii uu xilka Puntland qabtey, wuxuu ku sifoobey diidmo, carqaladeyn iyo kala-fogeyn bulsho. Labadii dowladood ee federaalka isku xigey, midkasta waxay ku kala tageen doonistiisa dano shaqsi ah iyo dano dalal shisheeye.
Waxaa ayaan daro ah, in qofka leh sooyaalka diidmo iyo u adeegid dano shisheeye oo noocaas ah in uu maanta ku hamiyo in uu bulshada Soomaaliyeed uga sheekeeyo midnimo, dastuur iyo dowladnimo.
21/05/2026
Waxaan kulan mirodhal ah la yeeshay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada mudane George Conway iyo mudane Brian J. Williams oo ka socday Sanduuqa Nabadda ee Qaramada Midoobay innagoo ka hadalnay saameynta maahaariicda sanduuqu ee sanadkii, Wajiga cusub ee Sanduuqa 2026 -2030 iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga dhinacyada nabad-dhisidda, dib-u-heshiisiinta iyo dedaallada xasilinta Soomaaliya.
Qaramada Midoobey waxay lafdhabar u tahay dowlad-dhiska Soomaaliya iyo taageeridda istaraatiijiyaeed ee hortabinnada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kor u qaadista iyo isku-duwidda barnaamijyada socda ee nabad-dhisidda, dib-u-soo-kabashada iyo horumarinta dedaallada lagu adkeynayo wadajirka bulshada, dowlad-wanaagga loo dhan yahay iyo nabad waarta oo dalka oo dhan laga hirgeliyo.
18/05/2026
Waa ayaan daro ka qeyb-gelidda madal loogu dabaal degayo kala goynta dalka ee wiilka uu dhalay Xaaji Muuse Boqor, waxay ahayd talaabo khalad siyaasadeed iyo mid taariikheed ah. Waxay ka hor immaaneysaa sooyaalkii halgamaa Xaaji Muuse boqor oo ka tirsanaa SYL, kana shaqeyn jirey midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.
Talaabo sax ah ma aheyn in aad qaadato talo kaaga timid siyaasiga aad la taliyaha u tahay, kaas oo ku howlan dhaawicida midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, adigoona og in taladiisu ay ku geyneyso madal ka hor immaaneysa sooyaalkii taariikheed ee uu aabahaa ku suntanaa.
Qofna guul siyaasadeed kuma gaarayo, Soomaalina cod siyaasadeed kagama kasban-karo, in la buun-buuniyo kala goynta midnimada iyo wadajirka Somaliya, isla markaana hoos u dhigidda doonista siyaasadeed ee shacabka Waqooyi Bari.
13/05/2026
Maanta waxaan kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Dadka ee Algeria Mudane Abdelmadjid Tebboune, aniga iyo wafdiga Soomaaliyeed ee booqashada rasmiga ah ku jooga dalka Algeria.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya iyo horumarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada muhiimka ah ee ay wadaagaan.
Waxaan Madaxweynaha Algeria guddoonsiiyay warqad diblomaasiyadeed oo aan uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud.
Sidoo kale waxaan Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ka waddo dimuqraadiyeynta, dib u heshiisiinta, dhismaha dowladnimada, dib u habeynta hay’adaha dowladda, xasilinta dalka, iyo dib u soo kabashada deegaannada laga xoreeyay argagixisada.
Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay iskaashiga gobolka, nabadda iyo amniga, iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta dalalka Afrika si loo taageero xasilloonida, horumarka, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee qaaradda.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxa Shaqaalaha Madaxtooyada Algeria, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Algeria, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Gaadiidka ee Algeria, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha Algeria, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Aljerriya, Danjire Yusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego).