03/06/2026
SHAACINTA LIISKA MUSHARRIXIINTA GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA
DOWLAD-GOBOLEEDKA KOONFUR-GALBEED SOOMAALIYA.
Our Telegram Chanel: https://t.me/NIECSomalia
Following a prolonged period without national elections, the newly formed National Independent Electoral and Boundaries Commission in Somalia is undertaking the crucial task of building an institutional framework to facilitate future electoral exercises.
03/06/2026
SHAACINTA LIISKA MUSHARRIXIINTA GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA
DOWLAD-GOBOLEEDKA KOONFUR-GALBEED SOOMAALIYA.
03/06/2026
Waxaa maanta magaalada Baydhabo shahaadooyinka murashaxnimo lagu guddoonsiiyay murashaxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ku-xigeennadiisa.
Murashaxiinta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
1: Mahad Maxamed Sheekh Xasan – Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)
2: Cabdixakiin Maxamuud Fiqi – Ururka Horumar iyo Midnimo Qaran (NPU)
Murashaxiinta Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad
1: Aadan Xasan Maxamed – Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)
2: Cabdirisaaq Xuseen Aadan – Ururka Karaama
Murashaxiinta Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad
1: Shamso Maxamed Yarow – Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)
2: Axlaam Cumar Maxamed – Ururka Karaama
02/06/2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Baydhabo tababar uga furay xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Tababarkan, oo ku saabsan habraacyada doorashooyinka iyo sharciyada baarlamaanka, waxaa furay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, mudane Saadiq Abshir Garaad.
01/06/2026
Jadwalka Doorashada Guddoonka iyo Hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
30/05/2026
Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyey xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
30/05/2026
Guddigu wuxuu shaacinayaa liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya.
26/05/2026
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxaa.
Munaasabaddan qiimaha badan awgeed, Guddigu wuxuu Alle SWT ka baryayaa inuu shacabka Soomaaliyeed sanadkaan sanadkiisa ku gaarsiiyo nabad, barwaaqo iyo horumar, kana aqbalo cibaadada iyo acmaasha wanaagsan.
Ciidul-Adxaa Mubaarak dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
26/05/2026
Jadwalka guud ee doorashada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha Dawlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
25/05/2026
Shaacinta liiska xubnaha ku guulaystay Golaha Wakiillada ee Dawlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS).
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta tababar uga furay xurunta dhexe ee guddiga xubnaha golaha deegaanka ee gobolka Banaadir, firitaanka tababarka waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.
| Monday | 08:00 - 17:00 |
| Tuesday | 08:00 - 17:00 |
| Wednesday | 08:00 - 17:00 |
| Thursday | 08:00 - 17:00 |
| Saturday | 08:00 - 17:00 |
| Sunday | 08:00 - 17:00 |