Abdulahi Warsame Roble

Abdulahi Warsame Roble

Share

Galmudug-AWards-Winning Best Journalist 2022 & 2023 | Founder and CEO, BARTAMAHA MEDIA Pro.

Abdulahi Warsame Roble is a Freelance Journalist, for the last 7-years worked with prominent media.

Photos from Abdulahi Warsame Roble's post 23/06/2026

Agaasimaha guud ee wasaraadda arrimaha gudaha Galmudug Mohamed Alinor ”Shaakir” ayaa Maanta magaalada Muqdisho kaga qayb galay munaasabadda furitaanka kulanka asaasidda iyo hirgelinta Shabakadda Qaran ee Bahda Nabad-dhiska iyo Nabadoonnada Dalka.

Kulankan muhiimka ah wuxuu xoojinayaa doorka bahda nabad-dhiska iyo nabadoonnada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin adkaynta nabadda, wadajirka bulshada, iyo xal u helidda khilaafaadka si waafaqsan dhaqanka iyo dowladnimada casriga ah.

23/06/2026

Wasiirada Galmudug oo iskood u yeeshay is warsi xaaladda taagan ah.

Photos from Abdulahi Warsame Roble's post 23/06/2026

Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa kulan qado iyo is-xogwareysi ah u qabtay Golaha Wasiirrada Galmudug, kaas oo ka dhacay Beerta Nabadda ee magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.

Kulanka ayaa ahaa madal ay wasiirradu isku dhaafsadeen fikrado iyo xog ku saabsan xaaladda guud ee Galmudug, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarka laga gaaray dhinacyada kala duwan ee maamulka iyo adeegyada bulshada.

22/06/2026

Agaasime Abdul, oo reer Galmudug…..

Photos from Abdulahi Warsame Roble's post 21/06/2026

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Daah-furay Mashruuc Bulsho, kaasi oo door weyn ka qaadan doona xoojinta adeegyada aas-aasiga ah iyo kor u qaadidda awoodda dowladaha hoose ee deegaannada Galmudug.

Mashruucan ayaa la filayaa in uu dardargaliyo horumarinta maamulka, kobcinta adeegyada bulshada, taageeridda dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska heer deegaan, adkeysiga bulshada iyo dib u heshiisiinta, si shacabka ay u helaan adeegyo hufan oo waxtar leh.

Munaasabadda daah-furka mashruuca oo ka dhacday Madaxtooyada Dowladda Galmudug ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Galmudug, Agaasimaha Guud ee Waaaaradda Arrimaha Gudaha DFS, Maamulka Gobolka Galguduud iyo qaar ka mid bulshada Galmudug.

21/06/2026

Agaasime Maxamed Alinor (Dr. Shakir) Oo Door Muhiim Ah Ka Qaatay Munaasabadda Daah-furka Mashruuca Bulsho.

21/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug, furay Shirka Madasha Isku-dubbaridka Xasilinta ee Wasaaradaha Dowladda Galmudug.

21/06/2026

Update: Wararka laga helayo deegaanka Mirig oo hoos taga Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada amniga iyo dhalinyaro hubeysan oo ka soo horjeeda goob la qorsheeyay in laga qodo carro kaawo loogu talagalay dhismaha laamiga isku xira Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa ka cabanaya qodista dhulka, iyagoo ku doodaya in shirkadda dhisaysa jidka ay ku guuldareysatay inay arrinta ku xalliso wadahadal iyo farsamo, taas beddelkeedana la adeegsaday awood ciidan.

Photos from Abdulahi Warsame Roble's post 21/06/2026

Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furay Shirka Madasha Isku-dubbaridka Xasilinta ee Wasaaradaha Dowladda Galmudug.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, isku-dubbaridka qorshayaasha xasilinta, iyo kor u qaadista dadaallada lagu taageerayo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada.

Furitaanka shirka waxaa ka qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha ka shaqeeya arrimaha xasilinta ee Dowladda Galmudug, masuuliyiin ka socotay Dowladda Hirshabeelle, hay’adaha taageera barnaamijyada xasilinta, iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii ka hadlay madasha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-xirka hay’adaha dowladda, is-weydaarsiga khibradaha iyo xoojinta iskaashiga dowlad-goboleedyada si loo dardargeliyo dadaallada xasilinta, loona xaqiijiyo nabad, amni iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaannada Galmudug.

21/06/2026
Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Mogadishu
0000