Bandhigga Kooxaha Fannaaniinta Qaranka ee Toddobaadka Xorriyadda.
Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
SOMALI NATIONAL TELEVISION SNTV is regulated by the Ministry of Information, Culture & Tourism Federal Government of Somalia
Industry Broadcasting
Founded 1983
2011 (re-launch)
Headquarters Mogadishu, Somalia
Area served
Somalia & abroad (satellite)
Owner Federal Government of Somalia
Daud Aweis is the Minister of Information of Federal Government of Somalia
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia. Headquartered in Mogadishu, the nation's capital, its main responsibility is to provide public service broadcasting throughout the country.
23/06/2026
Muqdisho, Talaado 23 Juun , 2026: Waxaa maanta halkiisii kasii socday kulankii aqoon kororsi ahaa ee loo qabtay qaar kamid ah Lataliyaasha iyo Agaasinka qaar kamid ah Hey”adaha dowladda.
Tobabarkaan oo uu shalay Furay Wasiir Dowlaha Xaafiiska Ra”iisul Wasaaraha Mudane Xirsi gaani Jamaac ayaa ku saabsana Hanaanka shaqo ee Golaha Wasiirada iyo habraaci sharci, iyadoo ay ka faaideysteen xubnihii kala duwanaa ee loo qabtay.
Agaasimaha Golaha Wasiirada Maxamed Cabdiraxmaan Boolbool ayaa sheegay in ay sii soco doonaaan Tobarada kala duwan ee Holwadeenada Dowladda si xooga loo saaro Howlaha shaqo ee Xukuumadda,
Dhanka kale Agaasimaha Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka dadweynaha ee Xaafiiska Ra”iisul Wasaaraha Mudane Cabdinaasir Axmad Bashiir (Saxansaxo) ayaa isna dhankaasi xiritaanka ka hadlay ayaa dul istaagay sida muhiim u tahay in wax badan kor loon qaado fahanka Howlwadeenada dowladda, isaga oo tilmaamay in ka wax warbaahin ahaan si fiican ula shaqeeyaan Hey”adaha dowladda
DHAMAAD.
Abwaan Sharlaawe oo kamid ah dhallinyarada haldoorka ah ayaan ka wareysanay doorka dhallinyarada ee xorriyadda dalka, difaaca, dowlad-dhiska iyo maalgashiga.
Guddiga Qaranka ee Toddobaadka Xorriyadda ayaa Tiyaatarka Qaranka ku qabtay bandhigga kooxaha fanka qaranka, kaas oo qayb ka ah diyaar-garowga xuska maalmaha Xorriyadda.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa shir-guddoomiyay kulan lagu gaaray heshiis hordhac ah oo lagu xallinayo khilaaf u dhexeeyay laba beelood oo walaalo ah.
Abwaan Sharlaawe oo Telefishinka Qaranka wareysi siiyey ayaan wax ka weydiinay doorka dhallinyarada ee xoriyadda dalka, difaaca iyo maalgashiga
Maamulka Degmada Dayniile oo kulan la yeeshay haweenka iyo dhallinyarada degmada, kaas oo looga hadlay diyaar-garowga xuska maalmaha xorriyadda.
23/06/2026
DFS OO SAXIIXDAY QANDARAASKA DARAASADDA IYO NAQSHADAYNTA WADDADA GALKAAYO–ELGUULA (100KM)
Muqdisho, 23 Juun 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta martigelisay munaasabad lagu saxiixayay qandaraaska adeegyada daraasadaynta, naqshadaynta, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee qaybta Galkaayo–Elguula oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir.
Munaasabadda ayaa waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Ayub Ismaaciil Yuusuf, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Hawlaha Guud ee Galmudug, Mudane Axmed Dhiblaawe Kaasir, masuuliyiin ka socday IBS Bank, GOB Community Organisation iyo shirkadda KKATT Consult Limited.
Waddada Galkaayo–Hobyo ayaa loo arkaa mid ka mid ah kaabeyaasha ugu muhiimsan ee bartamaha Soomaaliya, maadaama ay isku xirto deegaannada gudaha iyo xeebaha Badweynta Hindiya. Mashruucan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kobcinta ganacsiga, fududeynta isu-socodka, kor u qaadista amniga iyo xoojinta isdhexgalka dhaqaalaha dalka.
Bilowga daraasadaynta iyo naqshadaynta qaybta Galkaayo–Elguula ayaa ah tallaabo muhiim u ah hirgelinta guud ahaan waddada Galkaayo–Hobyo oo dhererkeedu dhan yahay 260 kiiloomitir.
Wasiir Ayub Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay in mashruucani muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, isagoo xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dardargelinta maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay Dowladda Galmudug iyo bah-wadaagta horumarinta.
Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay dadaallada lagu hirgelinayo mashruucan, isaga oo tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay horumarka iyo isku xirnaanta dalka.
Qandaraaska la saxiixay ayaa shirkadda KKATT Consult Limited u xilsaaraya fulinta daraasaadka farsamo, naqshadaynta hordhaca ah iyo tan faahfaahsan, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee qaybta Galkaayo–Elguula (100KM).
Mashruucan ayaa qayb ka ah Barnaamijka Horumarinta Kaabeyaasha Waddooyinka Soomaaliya (RIPSOM), oo ay maalgelinayaan Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo Midowga Yurub (EU), isla markaana ay fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Xildhibaan Maxamed-deeq Barre Cumar (Fiyoore) oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa deegaanka Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan ka hirgeliyay mashaariic hormarineed.
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho ayaa maanta u furay shaqaalaha Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada ee Dekedda Muqdisho tababar lagu baranayo sida loo maareeyo loona fuliyo hawlaha kala duwan ee dekedaha.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Jamaal Abdinasir Street
Mogadishu
