26/05/2026
اسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Ciid wanaagsan
Waxan halkan ugu dirayanaa Hambalyada Ciidul adxaa mubarak Dhamaan Muslimiinta meel kasto oo ay joogan qaasatan Somalia wayn Caafimaad ku ciida.
waxaan idinku bogaadinaynaa Maamahan khayr badan,
Inaad is cafisan, isku ducaysaan, isukuna naxariisataan.
10/05/2026
Reer koonfur galbeed Maanta waa Maalintaada, Codkaaga ku ciil bax.
Sacaas Irmaan iyo Nambarka 47 ha moogaanin waa wadadaadii Guusha.
06/05/2026
Ololle ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan taageerayaasha Ururka Siyaasadeedka Talo-Qaran ayaa laga sameeyey xaafadaha magaalada Baydhabo, kaas oo diiradda lagu saaray wacyigelinta bulshada si ay uga qeyb qaataan doorashooyinka qof iyo cod.
Ololahan ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista fahamka bulshada ee muhiimadda doorashooyinka, iyadoo shacabka lagu dhiirrigelinayey inay si firfircoon uga qeyb qaataan hannaanka doorashada dimuqraadiyadeed.
Waxaa hoggaaminayey ololahan Guddoomiyaha Guud ee Ururka Talo-Qaran, Mr.Cabdwali Cismaan Cabdi Shancad, waxaana ku wehlinayey Wakiilka Koonfur Galbeed ee ururka, musharrixiin u taagan xilalka Wakiilada Kgs iyo Xildhibaan Golaha Deegaanka ee Degmada Baydhabo, iyo xubno kale oo ka tirsan ururka.
Mas’uuliyiintii ka hadlay goobaha ololaha ayaa xusay in ka qeybgalka bulshada ee doorashooyinka qof iyo cod uu yahay tiirka horumarka iyo dimuqraadiyadda, iyagoo shacabka ku boorriyey inay codkooda si xor ah u dhiibtaan.
Xisbigan, oo uu musharrax madaxweyne ka yahay Mr. Xasan Sheekh Isxaaq Xasan Nation, ayaa guud ahaan ka wada deegaanada Koonfur Galbeed—gaar ahaan magaalada Baydhabo—ololaha doorashooyinka Golaha Deegaanka, Golaha Wakiillada iyo tan madaxweynaha.
06/05/2026
Baydhaba 03/05/2026
Musharaxa urur siyaasadedka dhalinyarada Talo Qaran mudane Hassan Sheik Isak Ayaa manta booqasho ku yimid mid kamid ah xafiisyada uu ururku kuleeyahay magaalada baydhabo, isaga oo ukuur galayey shaqada ka socota xafiiska.
Howlwadeenada xisbiga ayaa si mug leh ugu so dhaweyey gudaha xafiiska iyaga oo ugu warbixiyey howlaha maalinlaha ah ee kasocda xafiiska.
Ugu dambeen musharax madaxwayne xasan sheeq isaaq ayaa howl wadeenda xafiiska ku dhiiragaliyey howsha adag ee hayaan islamarkaana ku adkeeyey inay laba jibaaran shaqada.