01/06/2026
Isniin 1-June 2026 : Tababar socday Muddo Labo-Maalin ah oo iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Heyβada FCA ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Magalada Muqdisho.
Tababarkaan ayaa waxaa si Wadajir ah u soo qaban qaabiyey Agaasinka Waaxda Qorsheynta iyo Maalgashiga Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasinka Waaxda Biyaha, Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Gudoomiyaha Dhalinyarada Maamulka Gobolka Banaadir.
Tababarkaan ayaa lagu baranayay Arimaha Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada oo ah Mowduuc Xasaasi ah Caalamiyan, Dalkeenana uu ka mid yahay Dalalka wajahaaya dhibaatooyinka ay ku yeesheen Dunida.
Gaba-gabadii waxaa la aas aasay Naadi Dhalinyaro Mutadawaciin ah oo u taagan ka qeyb qaadashada Wacyigalinta iyo Maareynta Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.
Waxaana loogu waqlalay ( Naadiga Dhalinyarada Deegaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir) Waxaana goobta lagu doortay Gudoonka Naadiga.
Naadigaan ayaa sameen doona Wacyigalinta Adeegsiga Agabka ku haboon Deegaanka, Ka digista qataraha, ka qeyb qaadashada Ololayaasha Nadaafada iyo Dhir Beerista iyadoo la kaashanaayo Heyβadaha Heer Gobol iyo Heer Faderaal ee ku shaqada leh Inshallah.
Ugu danbayn Gudoomiyaha dhalinyarada Gobolka Banadir Mudane Omar Faruk ayaa soo xiray tababarka asagoona urajeeyay dhamaan dhalinyarada ka qeyb gashay tababarka iyo Sidookale Naadiga deeganka ee goobta lagu dhisay dadaal ,Karti iyo hufnaan Inay ugu adeegaan degaanka iyo guud ahaan Caasimada.
Wabillahi Towfiiq
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Dhalinyarada Gobolka Banaadir
===========βππππππππβ===========
26/05/2026
Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir Mudane Omar Faruk ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa u diray dhammaan Ummadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Guddoomiyuhu wuxuu ugu hambalyeynayaa bulshada Muslimka ah farxadda Ciidul-Adxa oo ah munaasabad weyn oo xambaarsan qiime diini ah, midnimo, isjacayl, isu tanaasul iyo garab istaagga dadka nugul, isagoo Alle SWT ka baryay inuu shacabka Soomaaliyeed ka aqbalo acmaasha wanaagsan, ciidanna ciiddeeda ku gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo.
Sidoo kale, wuxuu hambalyo gaar ah u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka, isagoo Alle uga baryay inuu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan.
Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo ka shaqeynta horumarka dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.
Wabillahi Towfiiq
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Dhalinyarada Gobolka Banaadir
===========βππππππππβ===========
15/05/2026
Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir Mudane Omar Faruk ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed Gaar ahaan dhalinyarada Gobolka Banadir munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, oo ku beegan xuska Maalinka Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maalintani ay astaan u tahay halgankii iyo waddaniyaddii ay muujiyeen dhallinyaradii gobannimo-doonka ahayd ee SYL, kuwaas oo door weyn ka qaatay xaqiijinta xorriyadda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Omar Faruk ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan horumarka dalka, nabadda, wadajirka iyo difaaca qaranimada Soomaaliyeed.
Wabillahi Towfiiq
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Dhalinyarada Gobolka Banaadir
===========βππππππππβ===========
08/05/2026
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Dhalinyarada Gobolka Banaadir, Xoghayaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaasha Dhalinyarada Degmooyinka, Kuxigeennadooda iyo Sidookale Xoghayeyaasha Dhalinyarada Degmooyinka, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Xoghayaha Dhalinyarada Degmada Xamar Weyne Mudane Awees Cabdulqaadir Suufi iyo Qooskiisa, geerida naxdinta leh ee ku timid Aabihiis Marxuum Cabdulqaadir Suufi oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Masβuuliyiinta waxay Alle SWT uga baryayaan Marxuumka in uu ugu deeqo naxariistiisa, janno Fardowsana ka waraabiyo, dhammaan ehelka, qaraabada iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka in uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan waasac ah.
Aamiin Aamiin Aamiin.
Wabillahi Towfiiq
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Dhalinyarada Gobolka Banaadir
===========βππππππππβ============
13/04/2026
Mogadishu (Isliin), 13 April 2026
Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir, Mudane Omar Faruk, ayaa ugu baaqaya dhammaan dhalinyarada Gobolka Banaadir in ay si firfircoon uga qeyb qaataan Toddobaadka Dhir-beerista, oo lagu xusayo Maalinta Qaran ee Dhir-beerista Soomaaliyeed. Toddobaadkan waa mid muhiim u ah ilaalinta deegaanka iyo horumarinta mustaqbalka Dalkeena.
Xuskan waxa uu astaan u yahay midnimo, masuuliyad wadajir ah iyo ficil dhab ah oo lagu badbaadinayo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhalinyaradeena in ay kaalin muuqata ka qaataan ololahan qiimaha leh.
Halku-dhigga sanadkan waa: βMaanta beero berri ku Noolow β
Aan si wadajir ah u dhisno deegaan cagaaran oo caafimaad qaba, kana tagno dhaxal wanaagsan jiilasha soo koraya.
Wabillahi Towfiiq
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Dhalinyarada Gobolka Banaadir
===========βππππππππβ===========
09/04/2026
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa Garsooraha heerka caalami ee Cumar Cabdulqaadir Cartan oo taariikh cusub usoo hooyay Dalkeena, kaddib markii uu noqday garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee ka qayb gala tartanka caalamiga ah ee FIFA World Cup.
Guushan qiimaha leh waa mid kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya, isla markaana muujinaysa kartida iyo hibada ay leeyihiin Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku hanweyn in ay Dalkooda ku matalaan fagaarayaasha caalamka.
Waxaan ku bogaadineynaa dadaalka, xirfadda iyo hufnaanta uu muujiyay Garsoore Cumar, isaga oo noqday astaan dhiirrigelin u ah jiilka cusub ee Soomaaliyeed.
Hambalyo Cumar, guulo kale oo taariikhdeenna qayb ka noqda ayaan kuu rajeynenaa Inshallah.