Ciid Wanaagsan
Diblomaasiyiinta iyo howl-wadeennada Safaaradda waxay hambalyada Ciida u dirayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Zambia.
Ciid Mubaarak – Kullu Caam wa antum bi khayr
Somali Embassy in Zambia
Embassy of the Federal Republic of Somalia, Lusaka.
OGEYSIIS
Waxaa dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ndola iyo nawaaxigeeda lala socodsiinayaa in Safaaraddu ay imaan doonto magaalada Ndola si ay u qabato howlaha Qunsuliyadda, gaar ahaan diiwaangelinta iyo xareynta codsiyada baasaboorrada.
Sidaa darteed, muwaadin kasta oo doonaya adeegyadaas kor ku xusan waxaa laga codsanayaa inuu la yimaado dukumentiyada soo socda:
• Copy-ga baasaboorka
• Copy-ga permit-ka
• Rasiidka bangiga
• Laba sawir
• Copy-ga caddeynta xirfaddaada/shaqadaada
• Haddii aad carruurtaada u dalbaneyso: copy-ga shahaadadooda dhalashada iyo copy-ga baasaboorka ama permit-ka waalidka
Safaaraddu waxay halkaas ka shaqeyn doontaa laga bilaabo maalinta Khamiista 28-da May ilaa maalinta Axadda 31-da May 2026.
Mahadsanidiin
Ku: Ganacsatada Soomaaliyeed
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Lusaka waxay idinla wadaageysaa in la qaban doono Bandhig Ganacsi oo Caalami ah, oo ay soo qabanqaabinayaan Hellenic-Zambian Chamber of Commerce iyo la-hawlgalayaal caalami ah, kaas oo ka dhici doona Lusaka 25–27 May 2026.
Munaasabaddan waxay isu keeni doontaa shirkado iyo maal-gashadeyaal ka imanaya dalal kala duwan oo caalamka ah, waxayna noqon doontaa fursad loogu talagalay kulamada B2B, isku xirka ganacsiga, iyo sahminta maalgashi.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee meel kasta oo ay joogaan ee danaynaya ka qaybgalka waxaa lagu dhiirigelinayaa inay si degdeg ah isu diiwaangeliyaan si ay uga qayb galaan B2B ama bandhig (exhibition).
Faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir Safaaradda. At [email protected]
Mahadsanidiin,
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Lusaka
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Plot G3/377a Kabulonga Road
Lusaka
Opening Hours
| Monday | 09:00 - 14:00 |
| Tuesday | 09:00 - 14:00 |
| Wednesday | 09:00 - 14:00 |
| Thursday | 09:00 - 14:00 |
| Friday | 09:00 - 12:00 |
